Facebook oo Sir Ka Faafiyey Dadka Sawiradooda Soo Dhigga Facebook#aqriso siro ku quseeya

-

Facebook maalin kasta waxa uu dadka weydiyaa, “ maxaa ku fikireysaa” “What’s on your mind?” , qiyaastiina 400 oo milyan oo qof ayaana su,aashaasi ugu jawaabo in ay dhigaan fariimo kala duwan.

Dad badan ayaana fusadaas ugu faa,ideysaa in ay dadka la wadaagaan nooca cuntadii ugu danbeysay ee ay cunaan, kuwa kale ayaa soo dhiga sawiro ama sheekooyin qosol leh,sheekooyin jaceyl iwm.

Hadaba baritaano la sameeyey sanadihii ugu danbeyey ayaa lagu ogaaday in waxyaabaha qofka uu soo dhigo facebook ay ka dhigantahay shaksiyadiisa,sawirna ay ka bixineyso nafsatiisa.

In la ogaado waxa uu facebook ka faafiyey shakhsiyaadada, waxa ay horumar u soo jiideysaa ganasciga aduunka. Tusaale ahaan maamulaha goobta aad shaqada ka dalbatay ,wareysiysiga uu kula yeelanaayo waxaa uu kaga maarmi karaa kaliya in uu hal mar uu indhaha mariyo profile-kaada facebook si uu ogaado shaqsiyadaada, taasi oo uu maamulaha ku ogaan karo in aad tahay qof u qalma heshiiskan iyo inkale.

Halkan waxaan idinku soo gudbineynaa ilaa todobo qodob oo facebook ka soo ogaaday dadka.

_dadka afka dheer: baaritaan la sameeyey facebook dhaxdiisa ayaa waxaa lagu ogaaday in dadka afka dheer ay ka soo sawir gelin badan yihiin kuwa Afka gaaban sida noolasha caadiga ah, dadka afka dheer had iyo jeer wax ay badalaan sawirkooda u saaran in ka badan dadka afka gaaban.

_dadka caqliga badan :baaritaan la sameeyey 2014 laguna daabacay journal-ka “Computers in Human Behavior” ayaa lagu ogaaday in dadka caqliga badan ay yihiin kuwa isticmaala waqtiga ugu yar facebook.

-Dadka friends-ka badan: baaritaan la sameeyey 2012-kii laguna daabacay “Computers in Human Behavior” ayaa waxaa lagu sheegay in dadka leh friends-ka ugu badan facebook ay yihiin dadka ay heyso kalsooni darrada.

Warbixinta ayaa waxaa lagu yiri “dadka ka walwalsan waxa laga aaminsanyahay waa dadka ugu badan ee sameysata saaxibada u badan facebook, taasi wax ay magdhaw ugu dhigaan kalsooni darrada heysata iyagoo isku qanciya in ay shacbiyad ku leeyihiin facebook.

-Dadka furfuran: baaritaan ciwaankiisu ahaa “”Social Network Use and Personality,” lana sameeyey 2010, ayaa waxaa lagu ogaaday in dadka furfuran ay inta badan yihiin dadka buuxiya dhamaan macluumaadyada dheeriga ee facebook dadka weydiyo si loo buuxiyo.

-Dadka daneystayaasha ah– waa dadka inta badan caanka ku ah isla fiicnaashaha ama waxa ay soomaalida u taqaano “isla weynida” , dadkan noocan ah waxa ay inta badan soo dhigaan qoraalo nafsatooda amaanaya si u u helaan Like baban, arinkaasi oo shidaal ku sii shubo isla weynidooda marka ay like badan helaan.

_Dadka neurotic-ka qaba:waa dadka ugu badan ee sawirooda soo dhiga facebook.
neutric waa cudur ka mid ah cudurada nafsiyadeed ee uu qofka aaminsanyahay in aysan aqbaleynin bulshada, waxaana sabab u ah inta badan dhaawac, jirka ama muuqaal dhiman oo qofka heysto, waxaa uuna qofka noocani ah isku dayaa in uu sawirada ku soo jiito saaxibadiisa.

Baaritaan ciwaankiisu ahaa “Capturing Personality from Facebook Photos and Photo-Related Activity” ayaa lagu faafaahiyey xariika ka dhaxeeya xanuunka neurotic-ka iyo sawir soo dhigista facebook.

-Dadka la aqabali karo: dadkan waa kuwa ugu badan ee isticmaala badhanka “Tag with” sidaasi waxaa lau sheegay daraasad la sameeyey 2012 ciwaana looga dhigay “Personality and Patters of Facebook Usage”

Ugu dambeyntii facebook ma ahan goob dadka kale tusineysa waxa aan nahay oo kaliya..sidoo kale profile-keena waxaa ka ogaan karnaa waxa ay dadka kale naga aaminsanyihiin iyo sida ay noo arkaan.

Wararka U Dambeeyey

Imisa Qof Oo Soomaali Ah Ayaa Hub Heysta?

Hubka saxda ee gacanta uga jira muwaadiniinta Soomaaliya waa mid aan la aqoon, hase ahaate warbixin lagu qoray webseetka...

Internetka Aduunka Oo Halis Ugu Jira In Uu Joogsado Sababtan Darteed

Saynisyahanada ayaa ka digaya cillad guud oo ku timaado internetka aduunka iyaga oo sababtuna ku qeexaya nidaamka cadceedda oo...

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...