waxaa saakay soo baxay war fadeexad ku ah wasaaradda waxbarashada oo ku saabsan in imitxaanka shahaadiga form four uu u baxay dibadda isla markaana lagu kala iibsanaayo suuqa madow dhamaan maadooyinka tobanka ah ee imtixaanka.
Qeyb ka mid ah imtixaanka ayaa soo kaaray Email-ada shabakadda baahisa wararka qarsoon ee xaqiiqonews waxaana ka mid ah maadooyinka hadda suuqa yaalla Biology, chemistry, geography,physics,somali, arabic, islamic relegion iyo math.
ma ahan markii ugu horreysay ee uu dibadda uu u baxo imtixaan ay qaadeyso wasaaradda waxbarshada oo la tacaaleysa musuq baahsan waxaana arday badan ay hadda walaac ka muujinayaan fadeexaddani cusub iyadoo lagu wado in maalinta sabtida ee soo socota ay ardayda u fadhiistaan imitxaanka.
“Xitaa hadii ay dowladda ka war hesho arimahan ma heystaan waqti ay ku badalaan sababtoo ah waxaa harsan wax ka yar 48 saac” ayuu yiri mid ka mid ah ardayda na soo gaarsiiyey macluumaadkan.
Hoos Ka aqri maadada Biology Oo ka gooban Shan Bog
kaliya Biology ma ahan maadooyinka na soo gaaray sidoo kale waxaa gacanta shabakadda xaqiiqonews ku jira ilaa 9 maaddo oo kale oo an la wadaagi doonno dadweynaha hadii ay lagama marmaarn noqoto.
Fadeeaxad Culus: Imtixaanka Dowladda oo suuqyada lagu kala iibsaday+caddeyn
-