Fadeexad Akhlaaq-Xumo Oo Ka Dhacday Congres-ka Ilhan Cumar!

La Wadaag Asxaabtaada

Gabadha lagu magacaabo Katie Hill ooo ka tirsan congres-ka Mareykanka islamarkaana ka tirsan xisbiga dimuqaraadiga ayaa loo soo jeediyey eedeyn ku saabsan in ay xiriir galmo la sameysay mid ka mid ah shaqaalaheeda.


Xaqiiqonews-Wararka Dibadda

Hill oo Boggeeda tuwiterka war ku soo qortay ayaa tiri “Aniga oo murugeysan waxa aan halkani ka sheegaya in aan iska casilay xilkii Konkareeska”.

Waxa ay intaasi ku dartay “Arintani waa tii ugu adkeyd nolasheyda ee aan ku qasbanaado in aan sidaa yeelo, hase yeeshee waxaan aaminsanahay in ay tahay arin u wanaagsan dalkeena”.

Guddiga qaabilsan “Akhlaaqda” ee golaha Barlamaanka Mareykanka ayaa sheegay arabacadii in ay wadaan baaritaano ku saabsan xildhibnaaddan laga soo doorto Kalifoorniya oo lagu eedeeyey in ay “xiriir galmo” la sameysay mid ka mid ah shaqaalaha baarlamaanka.

Sidoo Kale Aqri: Khilaaf Akhlaaqeed Oo Hareeyey Madaxda VS Warbaahinta Mareykanka

Hill ayaa qiratay in ay sameysay falkan oo aah aheyn mid khilaafaya qawaaniinta Dalka Mareykanka, balse waxa ay iska diiday in ay falkani la sameysay qof ka tirsan shaqaalaha barlamaanka.

Haweeneyda ah madaxa golaha Barlamaanka aya tiri “xubin ka tirsan golaha ayaa qiratay in ay sameysay fal lid ku ah golaha, taasi oo waxa aan suurtagaleyn ka dhigeysa in loo ogalaado in ay shaqadeeda sii wadato.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada