FADEEXAD: ceeb dowladda ku soo baxday ka dib soo dhaweyntii wasiirka ingiriiska#aqriso fishil

-

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ingiriiska Boris Johnson ayaa booqasho maanta ku yimid magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Imaanshaha Wasiirka oo qarsoodi ahayd ayaa si lama filaan waxaa fowdo iyo isku dhex yaac ay uga abuurtay nidaamkii soo dhoweynta, taasoo keentay inay fadeexad ka dhacdo soo dhoweynta wasiirka.
Nidaamka ayaa ahaa in Wasiir Boris Johnson ay soo dhaweeyaan Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya balse waxaa dhacday inaysan madaxtooyada ku soo wargelin safarka wasiirka Wasaaradii howshaas ku shaqada lahayd. Waxaa la yaab lahayd in Wasiirka arrimaha dibadd UK ay garoonka diyaaradaha Adden Cade ku soo dhoweeyeen Ilaalada Safaarada Ingiriiska ee Mogadishu iyo shaqaalaha Garoonka diyaaradaha ee Addan Cade oo uu horkacayo Saacid Celiye oo u qaabilsan garoonka arrimaha amniga.
Waxaa sharafdarro ku ah dowlada Soomaaliya iyadoo leh Wasaarad arrimo Dibaddeed in shaqaalaha garoonka Adden Cade soo dhaweeyaan masuuliyiin heer wasiir ah oo weliba ka mida dalalka waaweyn ee ka mida Midowga Yurub iyo Golaha Ammaanka ee Q/Midoobay.
Diblomaasiyiin aan la xiriirnay ayaa sheegay in arrintan ay dhaawac ku tahay soo nooleynta dowladnimada iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda Soomaaliyeed oo ku jira xilli kala guur ah, balse ku darsaday nidaam darro.
Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay fadeexadan saaka ka dhacday booqashadii xoghayaha arrimaha dibadda Ingiriiska ay faahfaahin ka bixiso.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!

Wararka U Dambeeyey

Muuqaal..Maxay Rakaabkan Diyaaradda U Riixayaan?

Muuqaal ka mid ah kuwa ugu cajiibsan, dalka Nepal waxaa baraha bulshada lagu baahiyey diyaarad ay rakaabka dabada ka...

Hadii Aad Aragto Riyooyinkan..Dhaqso Dhaqtar U Tag

Khubarro ka tirsan xarunta "Sleep cycle center" ee fadhigeedu yahay gobolka Teksas ee Mareykanka ayaa sheegay in riyada ay...

Dilka Shacabka Oo Lagu Tartamaayo!

Rasaasta ciidanka Df-ka ayaa dishay 3 qof oo shacab ah gudaha magaalada Muqdisho, halka gantaal hoobiye ah oo ...

Imisa Qof Oo Soomaali Ah Ayaa Hub Heysta?

Hubka saxda ee gacanta uga jira muwaadiniinta Soomaaliya waa mid aan la aqoon, hase ahaate warbixin lagu qoray webseetka...

Internetka Aduunka Oo Halis Ugu Jira In Uu Joogsado Sababtan Darteed

Saynisyahanada ayaa ka digaya cillad guud oo ku timaado internetka aduunka iyaga oo sababtuna ku qeexaya nidaamka cadceedda oo...

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...