WARKA: Eedeysanihii ugu weynaa ee loo heystay dilka Ikraan Tahiil Fahad Yaasiin ayaa markii ugu horeysay si bablik ah uga hadlay kiiskan Ikraan Tahliil oo si qarsaoodi ah oo wax badan laga ogeyn ugu baxday gacanta NISA.
XAQIIQO NEWS-WAR IYO DHAMMAANTIIS
DHAMMAADKIISA: Fahad Yaasiin ayaa wareysiga dhaxdiisa ku sheegay in Ikraan aysan xil ka qaban NISA intii uu isaga xafiiska joogay, hase ahaatee waxa uu xusay in uu aqoon gaar ah u leeyahay, waxa uuna qirtay in uu dhowr mar la kulmay mana uusan sheegin waxa ay ka wada hadleen.
Wareysiga gudahiisa fahad ayaa isticmaalay hadallo isburinaya,tusaale ahaan waxa uu sheegay in idaacadda un uu ka maqlay baarista xeer ilaalinta sidoo kalane isla idaacadaha uu ka dhageystay isaga oo dambi la’aan laga dhigaayo, laakiin markale ayuu qirtay in xeer ilaalinta ay wareysatay dhammaan saraakiishii NISA oo uu isaga ku jiray.
Waxaa uu wareysiga bilowgiisa ku sheegay in uu magac dhabi doono dad iyo dowlado uu yiri waxa ay ka dambeeyeen dilka Ikraan- sida uu hadalka u dhigaye, balse qeybtii dambe wareysiga waxa uu diiday magacaabista dowladaha uu eedeynaayo.
Fahad waxa uu sheegay in Ikraan dilkeeda ay ka dambeeyeen dowlado shisheeye isaga oo sababta ku qeexay “sumcad dilidda NISA” iyo qalqal gelin amin, waxaana uu horay u sheegay in Ikraan aysan ka tirsaneen NISA markii la dilaayey, mana uusan ka jawaabin su’aasha ugu muhiimsaneyd oo ah “Maxay Ikraan muhiim u tahay oo loo doortay si dilkeeda dalka lagu qalqal geliyo?
Macno walbo oo ay leedahay “Inkiraad dambi” Fahad waa uu adeegsaday wareysiga dhaxdiisa, mar waa uu is xanaajinaayey, markalana qosolka ayuu isku soo qasbaayey halka marar qaarkoodna uu qiiro jilaayey isaga oo candhuufta gadaal u liqaya.
Inkastoo Fahad uu inikray hadal ahaan qirashada dambigii foosha xumaa ee Ikraan lagula kacay, dabcan ma aheyn dambi si fudud loo qiran kara haddana jirkiisa iyo luuqaddiisa ayaa qiranayeey fal dambiyeedka.
Ikraan Tahiil Faarax oo sanad ka hor ay afduubteen koox NISA ka tirsanaa ayaa la aaminsan yahay in la kufsaday ka dibna loo dilaay qaab aan wax badan laga ogeyn.
Hooyada iyo ehellada Ikraan ayaa horay maxkamadda ciidanka u geeyey dacwo ka dhan ah afar qof oo NISA ka tirsanaa oo uu Fahad ku jiro kuwaasi oo loo heysto in ay falkan ka dambeeyeen.