Inkastoo go,aanka dowladda ay dadka qaar ula muuqato “Qamaar” Hase yeeshee waxaa jira dhowr arin oo u baahan in dhacdada laga fiiriyo ka hor inta aan dowladda lagu fiiqin farta eedda.
Xaqiiqonews.com-Wararka
Soomaalida waxa ay ku maahmaahdaa “Geel Caruur qaatay meel dheer ma jirro” ssaxiix Farmaajo iyo Kheyrre waxa ay gashanayaan kabo iyaga ka waaweyn, balse waxaa jira sababa dhowr ah oo go,aanka dolwadda ee ceyrinta QM ka dhigaya mid Loo baahnaa, waqtigiisii saxda ahaana ku soo beegmay, dhanka kalase go,aankan ayaa laga yaabaa in uu noqdo “Go,aan adag” oo loola jeeda Maranhabaabin.
-Tijaabo Awood: hadii Kuuriyada waqooyi ay tijaabineyso gantaalaha madaxyada nukliyeerka qaada, Soomaaliya waxa ay tijaabineysaa meel marka go,aanada Maxaliga ee Soomalida, dowladda ayaana muuqata in tijaabadan ka hor ay qaatay dhowr tijaabo oo yar yar, Df-ka ayaa tijaabisay sida uu meel mar u noqday ceyrintii Imaaraatka, howshaasi oo guul ku soo dhamaatay.
-Soomaaliyada oo Beesha Caalam la,aan ah: Farmaajo iyo Kheyre waxa ay soomaalida gilinayaan geesnimo cusub taasi oo tusaale u noqon karta madaxda kale ee laga yaabo in mustaqbalka dalka maamulan, arinku waxa ay u muuqdaa “Tusaaleyn oo Kaliya” waana runtii arin shaki la gelin karo dhabnimada go,aanada noocan ah
-Khiyaano Qaran: go,aanada noocan ah ayaa iska badali kara “geesinimo” waxeyna isku badali karaan “Khiyaano” waa hadii u jeedka go,aankan yahan “Maranhabaabin” tusaale ” maxaa dhici kara hadii dadku ka war helaan in go,aanka uu yahay mid ay isla meel dhigeen labada dhinca (QM iyo DF) si loo qanciyo taageerayaasha Roobow oo QM u gudbiyey dacwad ka dhan Df-ka!?