Maxakmadda cadaaladda QM ayaa go’aan ka soo saartay muran badeedka Soomaaliya iyo Kenya, go’aanka Maxkmadda ayaana ahaa mid ay ku qanci karaan labada dhinac.
XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA
Warbaahinta Adduunka oo wax ka qoray xukunka maxkamadda ayaa go’aankii maxkamadda ku tilmaamay mid “Soomaaliya u dan ah”.
Doodaha Labada Dhinaca
Gorsaaraha maxmkadda haweeneyda lagu magacaabo Joan E. Donoghue oo aqrineysay go’aanada maxkmadda ayaa sheegtay in aysan maxkmadda ku qancin sheekashada Kenya ee ah in ay jiraan heshiisyo labada dhinac horay u galeen.
Sidoo Kale Maxkmadda ayaa diiday in ay jiraan xaduudyo badeed hore oo labadal dal ay lahaayeen -sida ay Kenya ku doodeysay
Dhanka kale Maxkmadda ayaa meesha ka saartay sheekashada Soomaaliya ee aheyd in Kenya ay ku xadugubtay biyaha Soomaaliya.
Maxakmadda ayaana aqbashay soo jeedinta Soomaaliya ee ah in xaduud badeedka la raaciyo xariiqa siman ee ekwodhistans laayn (Equidistance line), hase yeeshee maxkmadda iyada oo eegeysa caqabadaha ka dhalanaya go’aanka waxa ay wax ka badashay xariiqa qaab ay dan ugu jirto Kenya.

Go’aan Caqli Gal Ah
Go’aanka maxkmadda ayey garsoorayaasha ku tilmaameen mid aan la duri karin madaama uu ahaa mid aad iskugu dheeli tiran.
Soomaaliya oo iyada laheyd biyaha lagu muransan yahay ayuu go’aanku siisyey intii ugu badneyd qiyaastii 80% goobta lagu muransanaa.
Maxkmadda oo u muuqata mid ka fikireysa caqabadaha iyo duruufaha uu mustaqbalka sababi karo goo’aankeeda waxa ay qiyaastii 20% u xukuntay Kenya, iyadoo ay xusid mudan tahay in Kenya ay horay ugu qanacsaneyd qaab wadaag ah loo xaliyo muranka.
Ugu dambeyntii Waa ay iska cadahay go’aanka Icj ma aheyn mid lagu go’aaminaayo yaa saxan iyo yaa qaldan, go’aanka waxaa uu ku saleysanaaa sida loo heli lahaa xal ugu yaraan isku dhaweyn karo danaha labada dhinac.