Falanqeyn..Iiraan Oo Dalbatay In La Soo xiro Trump iyo 35 Sarkaal!

-

Iiraan ayaa maalinnimadii isniinta soo saartay waaran ay ku dalbaneysa in la soo xiro mas’uuliyiin sar sare oo Mareykan ah, oo uu ku jiro Trump.


Xaqiiqonews-Wararka Dibadda

Iiraan ayaa ku eedeysay Trump iyo 35 sarkaal oo Mareykan ah in ay ka dambeeyeen dilkii Qaasim Suleymaani.

Xeer ilaaliyaha guud oo joogay Dahraan caasimadda Iiraan, ayaa yiri “Trump iyo 35 sarkaal kale, waxa ay ku eedeysanyihiin in ay ku lug lahaayeen dilkii 3 Janaayo, diyaarad drone ah duqeyn ku dishay Qaasim Suleymaani”.

Eedeynta Iiraan waxaa ku jirtay in Trump uu ka qeyb qaatay waxa ay ugu yeereen “fal argagixiso”,xeer ilaaliyahana ma magac dhabin eedeysanayaasha marka laga reebo Trump.

Iiraan ayaa ka dalbatay dalalka caalamka iyo booliska Interpol in ay gacan ka siiyaan sidii loo soo qaban lahaa Trump iyo ragga la eedeeyey.

Sidoo kale aqri..Yaa Guuleystay Iiraan iyo Mareykanka?

Sida uu qoray webseetka “Associated press” ilaa hadda booliska aduunka wax faalo ah kama dhiiban dalabka Iiraan.

Xeelad Siyaasadeed

Wakiilka Mareykanka u qaabilsan Iiraan ninka lagu magacaabo Brian Hook ayaa dalabkani ku qeexay “xeelad siyaasadeed”.

Dhankeeda Iiraan ayaa sheegtay in ay xakun dil ah ku fulisay muwaadiniin Iiraaniyiin ah kuwaasi oo sida ay sheegtay ka qeyb qaatay wax ay ugu yeertay “dil gaadmo ah”.

Iiraan ayaa sheegtay in Trump ay la xisaabtami doonto inta uu xilka haayo , ama ka dib marka ay dhamaato muddo xileedkiisa.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...