Falanqeyn..Muuqaalkii Abubakr Al-Baqdaadi

-

Muuqaal Dhawaan la baahiyey ayaa waxaa ka soo muuqday hogaamiyaha kooxd Dowladda Islaamiga, oo ,muddooyinkii ugu dambeeyey la kulantay guuldarrooyin farabadan.

Xaqiiqonews-Wararka

Si kastaba ha ku dhacdee, hogaamiyaha isku magacaabay “Khaliifka Muslimiinta” dhawaan ayaa laga dhax arkay muuqaal ay baahisay mu’sasadada al-Furqaan.

Muuqaalka cusub ayaa soo baxay xilli su’aalo badan la iska weydiinayey badqabka hogaamiyaha,waana 5 sano ka dib markii ugu horeysay ee Baqdaadi lagu arko muuqaal cod ah.

Sida ay qortay majaladda af-isbaanishka ku hadasha ee Corriere della Sera, Baqdaadi ayaa isku soo sawiray Qoray Ak47 Ruushiyaan ah, taasi oo dadka soo xasuusisay muuqaalada hogaamiyahii geeriyooday ee Al-Qaacidda Usama bin Laden.

Muuqaalka Baqdaadi ayaa waxaa la sawirnaa seddec rag oo wajiyadooda la qariyeye, hase yeeshee falanqeeyaasha ayaa ku doodaya in ragga sawirnaa ay xirnaayeen khamiiska Al-Shamaq ee hiddaha iyo dhaqanka u ah dadyowga dagan bariga Suuriya iyo kuwa dagan galbeedka Ciraaq.

Axmed Shariifi oo ah khabiir wax ka qora arimaha kooxaha Islaamiyiinta, waxa uu leeyahay “Baqdaadi waxa uu ka hadlay halganka ka dhaxeeya Kirishtaanka iyo Islaamka, taasi oo muujineysa sida wali kooxdan ay uga dhiganyihiin afkaarta xagjirnimada ee ku dhisan halganka ka dhaxeeya islaamka iyo diimaha kale”.

Waxaa uu intaasi ku daray “Baqdaadi ma dooneynin oo kaliya in uu dadka u caddeeyo in uu noolyahay sidoo kale waxaa uu doonaayey in uu adkeeyo in kaalintiisii hogaamineed ee ururka ay wali taagantahay”

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...