Alaha u naxariistee waxaa magaalada hargeysa ku geeriyootay subaxnimadii khamiista fanaanad lagu magacaabi jiray Shamis abokar isma’il.
fanaanada geeriyootay ayaa waxa lagu naaneysi jiray “gaduudo carwo” sidoo kale waxa ay caan ku aheyd magaca”hooyadii fanka soomaaliyeed.
Waa haweeneydii ugu horeysay ee heesto soomaaliya oo dhan waxaana markii ugu horeysay heesaheeda laga sii daayey idaacada sanadka marku ahaa 1950-kii.
Gudomiyaha guurtida somaliland Saleebaan iyo mas’uuliyiin tiro badan ayaa ka hadlay geeridan waxa ayna tacsi u direen eheladii iyo dhamaan umadii ay ka geeriyootay gaduudo carwo.