Fanaanad Tiri “Waxan ahay Faracii Nabiga” Heesahana Weyn banaanyihiin

La Wadaag Asxaabtaada

Fanaanadda rer Masar ee lagu magacaabo Cafaaf shuceyb ayaa kicisay mowjad cusub oo dood ah xilli ay ku guda jirtay kulan wareysi ah oo ka baxaayey T-V-ga  Dream TV  ee Dalka Masar.

Xaqiiqonews-Muuqaalo

Cafaaf shuceyb ayaa ka sheegeysay hadalo cajiib ah  ka dib markii ay sheegtay in ay ka soo jeedo faracii Nabi Muxamed SCW, waxa ayna sheegtay in xiratay xijaabka muddo gooban oo baareysay xaqiiqada islaamka -sida ay hadalka u dhigtay-.

Waxa kale oo ay sheegtay in qaar ka mid ah dadweynaha ay kula taliyeen markii ay ka soo laabatay Mareykanka In ay noqoto daaciyad madaama ay xifdisaneyd qeyb badan oo qur,aanka kariimka ah.

Shacraawi ayaa fanka ii baneeyey.

Waxey Sheegtay in ay u tagtay sheikh Maxamed shacraawi ka dibna waxa ay sheegtay in qaadatay ra,yiga sheikha ee ah in heesaha ay banaanyihiin.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada