Neefteedii ugu dambeysay waxa ay ballan kula jirtay magaalada Jigjiga, halkaasi oo ay si weyn u jecleyd tan iyo dhalinyaranimadeedii, waxa ay isku dayday in indhaheeda ku aragto calanka Soomaaliya oo halkaasi ka lusha. Hadii aadan wali i fahmin qofka aan ka hadlaayo, hagaag, waxa aad u baahantahay in aad barato waa tuma Zeynab Xaaji Cali Baxsan?
XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMANTIIS
Warka: Galabnimadii isniinta oo ku beegneyd 19 Oktoobar 2020, Zeynab Baxsan ayaa ku geeriyootay magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku nooleyd islamarkaana beryihii damba ay ku xanuunsaneyd.
Dhammaadkiisa: 1932-kii Baxsan waxa ay ku dhalatay meel u dhaw Jigjiga, Zaynab waxa ay fankeeda ka soo bilowday fanaaniintii ciidanka Xoogga, iyadoo markii dambe ka mid aheyd hoboladii qaranka ee Waaberi.
Sidoo Kale Aqri: Fanaanadda Ugu Da’weyn 100 Sano Ayey Dhaaftay..Waa Kan Magaceeda
Geeri Doortaye Maanta aan go’o
Heestani waxa ay ka mid aheyd heesihii ugu horeeyey eee baxsan ay masraxa la soo fuushay, inkastoo heestu ay u muuqaal egtahay hees jaceyl ah, balse abwaanada qaar waxa ay heestani ku tilmaameen hees waddani ah oo sarbeeb ah, dabcan Sida laga urinaayey Zaynab heestani waxa ay ku sheegeysaa in riyadeedi aheyd Jigjiga oo xor ah oo aysan helin, ay ka doorbideysa geerida.
Gayshkayagoow Guuleysta
Markii Soomaaliya ay yeelatay ciidan xoog leh, Zaynab waxa ay fursadaasi uga faa’ideysatay in ay banaanka la soo istaagto riyooyinkeeda ay sarbeebka ku gudbin jirtay, waxa ayna si aan shaki laheyn u sheektay in ay aysan xaduud kala xanibi karin ummadda Soomaaliyeed.
Xaduudka gadaaman haa haa, ee gaalka sameysatay..haa haa inaan ka gudbeyno haa haa waan garanaayee haa haa, waa qeyb ka mid ah heesihii tooska ahaa ee Zaynab codkeeda ay kala qeyb qaadaneysay isku daygii xoreynta Soomaali Galbeed.
Eebow Mahadaa
Zaynab waa ay geeriyootay, waxaana la dhintay fankii, laakiin codadkeedii wadaniga ahaa waxa ay ku dhax noolan doonaan qalbiyadeena, haa mahadda eebbe ayaa iska leh sida ay iyaduba horay ugu heestay, ka dib “Mahadsanid Saynab” , Ilaah waxa ay ka baryeynaa in uu ku naxariisto oo kuu dambi dhaafo.