Fanaanadda Ugu Da’ Weyn Soomaaliya..100 sano Ayey Dhaaftay..Waa Kan Magaceeda

La Wadaag Asxaabtaada

Hadii aad sameyso ra’yi aruurin ku saabsan fanaanka ugu da’ weyn waxaa dhic karta dadku in ay kuu sheegaan Maryan Mursal, Xasan Samatar ama Hiba Nuur, u sug inta aadan go’aan qaadanin ka hor iska baro waa tuma “Caasho Cabdow”?


Xaqiiqonews-Muqaalo

Hadii aad ii ogashahay in luuqadda Ciyaalka Xaafadda aan isticmaalo si aan tilmaan uga bixiyo Caasho Cabdow Maleyka, dabcan waxaan dhihi lahaa “Magac miskiin lagama ahan maalna moowlaa loo qabaa” .

Caasho Cabdow Maleyka Waxa ay ku dhalatay Magaalada Kismaayo Xarunta Gobolka J/Hoose isla halkaasi ayey ku soo barbaartay Waana Baajuun Soomaaliya.

Caasho hadii aysan kaligeed ku aheyn, waxa ay ka mid tahay fanaaniinta wili nool ee da’dooda ay dhaaftay 100 sano.

Illow Illow

Marka laga soo tago heesta Hadimada Nafeteyda, fanaanada Caasha Cabdow ayaa Keydka fanka Soomaaliya ku leh qaaran badan oo ay ka mid tahay heesta “Afcarabi, swahili, ingiriis, Soomaali”, oo sidoo kale ku caan baxday illow illow.

1971-kii , Heesta “Illow Illow’ ayaa caasho la soo qaaday Fanaanka weyn ee Kuluc waxa ayna ka mid tahay heesaha ugu caansan ee lagu xasuus doono Caasho Cabdow Maleyka.

Caasho Cabdow kuma heesta Af-soomaaliga oo kaliya, waxaa kale oo ay ku heystaa afafka Carabiga,Hindiga iyo Sawaaxiliga.

Heesta Sultan Qaaboos ayaa ka mid ah heesaha hirgelay ee Caasho Cabdow ay ku qaatay Afka-Carabiga.

Sidoo Kale Aqri 15 Milyan Oo Somaalida Lagu sheego 7 M oo ka mid ah ayaa heestan daawaday!

2015 ayey Caasha Cabdow heestani “sultan qaaboos” ka qaaday Dalka cuman.

Waabe waabe

Hadii aad maqasho Soomaaliya iyo Kenya ayaa heshiinaya, ogow Mas’uuliyadda heshiiskaasi waxaa dhabarka u ridan kara Caasho Cabdow, maxaa yeelay Sanadkii 2015 Caasho Cabdow waxa ay qaaadday heeskeedii af-ka Sawaahiliga ee ahaa “Waabe waabe” oo micnaheedu tahay “Subax soo baxeysa”.

Heestan Waxa ay Caasho ku soo gudbineysay walaaltinmada Afrika ka dhaxeysa, gaar aahan xiriirka ka dhaxeya Kenya iyo Somaaliya.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada