FANGA “2018 Qorax Gacan Ku Sameys ah oo Dhulka ifin doonto Iyo Waxyaabo kale.. “

-

haweeneyda indhoolaha ah ee rer Bulgaria(bulgeeriya) laguna magacaabo PERTH ayaa caan ku ah in ay sii saadaalisay dhacdooyin aan wali dhicin kuwaasi oo markii danbe si dhab ah u dhacay waxaana ka mid ahaa waxyaabihii ay sii saadaalisay dhacdadii 11 SEP ee New york, soo bixitaankii IS(daacish) ee sanadkii 2014-ka, Duufaantii Sunaamiga ee 2004 iyo kuwa kale oo badan.

Warbixin lagu daabacay Sabaya Style ayna soo tarjuntay xaqiiqonews ayaa waxa ay PERTH sii saadaalineysaa waxyaabaha la filan karo 2018-ka iyo sanada kale oo badan oo aan wali la gaarin.

Baba Fanga oo sidoo kale lagu magacaabo “Nostradamus Balkans”Waxa ay ku dhalatay Bulgeria waxa ayna dhimatay iyadoo jirta da,da 85 sano sanadka marka uu ahaa 1996-kii waxeyna ku guuleystay 85% waxyaabihii ay sii saadaalisay taasina waa sababta ay u jeclaadeen Dadka ku nool ruushka iyo Europe.

Waxay ay ku dhalatay Tuulada Stromica oo dhacda silsilada buuraha Burkaana oo taariikh ahaan marka la fiiriyo hoos tagi jirtay saldanatii khilaafadii cuthmaaniyiintaa.

Waxa ay aheyd qof caadi ah oo indhaheeda qabta ilaa ay ka soo gaartay da,da 12 sano xiligaasi oo dabeel xoog leh oo timid inta ay kor u qaatay dhulka ku riday indhahana carro uga buuxisay sidaasina ay ku noqotay indhoole

Aqriso Qaarka mid ah Waxyaabihii ay sii saadaalisay oo horay u dhacay

duufaantii sunaamiga ee sanadkii 2004 waxa ay dhacdadani sii saadaalisay kontomeeyadii qarnigii tagay

Weerarkii Daaraha Mataanaha ee 11 SEP waxa ayna dhacdadani sii saadaalisay sanadkii 1989-kii.

mid ka mid ah saadaasheedii muranka dhalisay ayaa waxa ay aheyd in ay sii saadaalisay in madaxweynaha mareykanka 44-aad uu noqon doono qof madow oo asal ahaan ka soo jeeda Africa waliba waxa ay sii raacisay in uu noqon doono madaxweynaha ugu danbeeya ee Mareykanka arintaasi oo ay dib u soo celiyeen saxaafadda mareykanka markii uu guuleystay Donald Trump iyagoo u cabsanaya mustaqbalka Mareykanka.

Hadaba hoos ka aqriso qaar ka mid ah Waxyaabaha ay saadaalisay mustaqbalka aan la gaarin.

2018 shiinaha ayaa noqon doono dowladda ugu weyn ugana muhiimsan dunida iyadoo ku nuuxnuuxsatay in mareykanka iyo ruushka oo kaliya aysan sii ahaan doonin laacibiinta dunida sanadka 2018.

2018 sidoo kale waxaa ay sii saalisay in wadamada dunida seddexaad aysan dhicin doonin in laga faa,ideysta balse badalkeeda waxa ay tirin iyaga ka faa,ideysan doono wamada horumarsan.

2018 waxa kale oo ay sii saadaalisay in wareega dhulka uu is badali doono, isbadalkani lama dareemi doono marka koowaad balse muddo ka dib ayaa si rasmi ah loo dareemi doonaa.

Waxyaabaha kale ee muhiimka ee ay sii saadaalisay waxaa ka mid ah:

sanadka 2025 dadka Eurpe dagan tiradooda waxa ay ku sii dhawaan doontaa Eber.

sanadka 2028 bani aadamku waxa uu u kicitimi doonaa kowkab kale…si loo raadiyo tamar(Energy)

sanadka 2043 Europe waxa ay isku badali doontaa khilaafo islaami ah caasimadeeduna ay tahay Rooma waxaana kor u soo kici doono dhaqaalaha aduunka iyadoo lagu hoos noolyahay xukun islaami ah.

sanadka 2066 mareykanka waxa uu isticmaali doonaa Hub cusub oo badalaayo cimilada si ay u soo ceshtaan Rooma dibna loo soo celiyo Masiixiyada.

sanadka 2076 shuuciyada ayaa ku soo laaban doonto Europe iyo meelo badan oo caalamka ka tirsan

sanadka 2084 noolasha ayaa ku soo laaban doonto caadi(ma garan karno waxa ay kala jeedo hadalkan)

sanadka 20100 Qorax ay bani aadamku sameeyaan ayaa ifimin doonto kowkabka dhulka

sanadka 2480 waxaa isku dhici doono labo qorax oo gacan ku sameys ah taasi oo sababi doonto madow iyo burbur

sanadka 3797 waxaa dhamaan doono nolasha kowkabka dhulka balse …waxa ay aaminsantahay in aadanuhu hormari doono isla markaana ay u guuri doonaan kowkab kale.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...