Faqash Ka Dib Isbaheysi Cusub Oo Sameysmay “Fakhej”

La Wadaag Asxaabtaada

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka tirsan gobalaha Barlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dhawaan uu kulan la qaatay Farmaajo iyo Kheyre iyagoo ka wada hadlay Arimaha Jubbland.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in dhawaan isaga Farmaajo iyo Kheyre ay yeesheen kulan quseeya arimaha Jubbland.

Jeesow ayaa carrabka ku adkeeyey in isaga iyo Madaxda uu la kulmay ay isla meel dhigeen sidii laga yeeli lahaa Hogaamiya is-doortay ee Jubbland.

“Waxa ay ii sheegeen in aysan marna diyaar u aheyn in ay ka tagaan dhibaatadii ay ka tagtay dowladdii iyaga ka horeysay” ayuu yiri Jeesow.

Sidoo Kale Aqri: Jeesow Oo Ku Baaqay In Axmed Madoobe La Soo Xiro!

Jeesow oo la hadlayey Tv-ga SomNews ayaa sii raaciyey “Waxa ay doonayaan in ay ka tagaan iyaga oo islaaxiyey dhulkaas, halkaasna ka dhisay dowlad goboleed taabacsam Dowladde Dhexe”

Isbaheysiga Farmaajo,Kheyre iyo Jeesow(Fakhej) ayaa u muuqdo qorsho cusub oo mas’uuliyiintani ay ku doonayaan in ay mideeyaan afkaartooda ka dhanka ah Axmed Madoobe si Jubbland loogu hirgeliyo maamul taabcsan DF-ka.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada