Faraamjo Iyo R/wasaaraha oo Is Khilaafaya Markii ugu Horreysay+Mooshin Ka dhan Ah kheyre

-

Xubno ka tirsan Xildhibaanadii soo doortay Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa ka careysan inaanan lagu soo darin Xukuumaddii uu 21-kii bishii March soo dhisay Ra’iisal Wasaare Khayre. Xildhibaanadan waxay doonayan in lagu soo daro Golaha Wasiirada oo la hadalhayo in isku shaandhayn lagu samayn doono billaha ina soo aadan, haddii kalana ay mooshin ka keenayan.

farmaajo ayaa horay u soo gudbiyey liiska qaarka mid ah xildibaanadii isaga soo doortay ee uu rabay in lagu soo daro liiska balse Kheyre ayaa arintaasi iska indha tiray waxaana sii xoogeystay khilaafka ka dhaxeeya labada mas,uul ee ugu sarreysa dowladda khilaafkaasi oo sii hoose ku socday tan iyo markii la magaacabay golaha sawiirada balse waxaa muuqata in hadda uu khilaafka dibadda u soo baxay.

Sidoo kale waxaa jira culeys kale oo Ra’iisal Wasaaraha uu kala kulmayo daraf kale oo Xildhibaan ah, isla-markaana ah kuwii codka siiyay Madaxweynihii hore ee doorashada looga adkaaday, Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaanadan oo iyagu soo dhaweeyay magacaabistii Ra’iisal Wasaaraha, ayaa aaminsan inaanu Ra’iisal Wasaaruhu noqon sidii la fillaayay, iyadoo la’ogyahay in si dhow uu ula soo shaqeeyay Madaxweynihii hore ee Somaliya, oo iminka ah Mudane Golaha Shacabka ka tirsan.

Waxaa intaa dheer in Khayre uu dareensan yahay garab kale oo taageersan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, in ay siyaasadiisa saluugsan yihiin, waxaana la xusuustaa in si xoogan kaga biyo diideen magacaabistii uu soo magacaabay Golihiisii Wasaarada. Khilaafka kala dhaxeeya garabka Jawaari weli waa mid taagan.

Xildhibaanada Labada Aqal ee ka soo jeeda Gobolka Banaadir oo dagaal ugu jira maqaamka gobolkaasi, ayaa Ra’iisal Wasaaraha ku cadaadinaya in uu cadeeyo maqaamka gobolka, haddii kalana ay daadka raacsiin doonaan.

Dadka odoroso siyaasadda Somaliya, ayaa kuu sheegaya in bisha July ay siyaasadda Somaliya geli doonto xaalad cusub, waxaana la isweydiinaya waxa dhici doono Ramadanka ka dib.

Si kastaba ha-ahaatee Farmaajo iyo Khayre oo wada socda, ayaa waxaa hadana muuqata in ay kala socdaan, iyadoona mid kasta ay tiisa cusleysay.

Wararka U Dambeeyey

Calaamado Soo Muuqan Kara Bil Ka Hor Wadno Xanuunka

Dr. Satir Zhijian, oo ah dhaqtar wadanaha ayaa tilmaamay in calool xanuunka iyo dhabar xanuunka ay noqon karaan calaamado...

Xarun Sayniska Iyo Tiknoolajiyadda U Gaar Ah Oo Muqdisho Lagu Dhagax Dhigay

Jaamacadda SIMAD oo caan ku aheyd aqoonta ganacsiga iyo xisaabaadka ayaa dhawaan daah furtay xarun cusub oo u gaar...

Xog..Jabuuti Oo Soo Bandhigtay Darooniska Bayrakhtaar TB2

Bandhig milatari oo Jabuuti ugu dabaal dageysay sanad guurradii 45aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada ka qaateen...

Nin Xaaskiiska U Dilay Maxaad Gabar Uurka Ugu Sidaa !

Arin argagax leh ayaa laga soo sheegay Masar, nin inta xaaskiisa dilay ka dibna meydkeeda gubay kuna aasay meel...

Xasan Iyo Xamze: Maxay Qaban Karaan Maxaase Dhici Karin?

WARKA: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey si aqlabiyad buuxda ah RW cusub Xamza Cabdi Barre, haddaba su'aasha...

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...