Farma Iyo Kheyre Ma Ka Guuleysteen Axmed Madoobe?

Ma ka mid ahi taageerayaasha Farmaajo, waxaana ahay dadka dhaliishan waxqabadkiisa, laakiin waxaan aqbalsanahay xaqiiqada ah, in Farmaajo uu leeyahay khibrad -yar oo ku saabsan qaabka loo ciqaabo Maamulada madaxa adag sharci ahaan, waana tan sababta.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha.

Inkastoo Axmed Madoobe uu soo maamulaayey Jubbooyinka muddo 8 sano ah, haddana kuma guuleysan in uu kasbado taageerada Shacabka Jubbland.

Waxa uu ahaa hogaamyihii ugu waqtiga dheeraa ee qabta Xilka Maamul Goboleedyada, hase ahaatee qorsha-xumadiisa ayaa ku kaliftay wax badan, waxa uuna ku guul dareystay in uu u horumariyo siyaasadiis qaab ka baxsan madax adeegga.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in ay ciyaareyso siyaasad xirafdeysan,waxa ayna sameysay cadaadis sharciyeysan si Axmed Madoobe loogu qasbo in uu ugu yaraan wax ka badalo qaab fikirkiisa.

Dhawaan Ayuu Axmed Madoobe Jeediyey khudbad uu kaga hadlay halka ay wax marayaan,iyo waliba xaaladda Kismaayo ee xayiraadda Diyaaradaha, qaar ka mid ah dadka falanqeeya siyaasadda ayaa hadalkii Madoobe ku tilmaamay “Mid aan wax tarin” madaama DF-ka aysan ka jawaabin, taasi oo ka duwan sidii uu filaayey Madoobe.

Dhammaan Guul-darrooyinka siyaasadeed ee Axmed Madoobe uu dhax Maquuranaayo kama dhigno in Madoobe is dhiibay, waxaana jirro arimo badan oo ay tahay DF-ka in ay sameyso si ay xaqiijiso Hadafkkeda kama dambeyska ah ee ku aadan in Maamul-goboleedyada ay noqdaan kuwa ka amar qaata Dowladda.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA