Farmaaja Nasiiblow Miyaa

-

Ma jiro Madaxweyne Soomaaliyeed oo dib loo doortay, xaqiiqada noocaasi ahna waa mid niyad jibineysa Farmaajo,waxaase jirta maahmaah daheysa “waan la doogine, yaan la dacaroon”


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Bilihii ugu dambeeyey ee xafiisyada ay joogeen inta ugu badan madaxweynayaasha waxa ay isku dayaayeen in dib loo doorto, Shariif iyo Xasan Shiikh ayaana u dhawaawaday in dib loo doorto, iyaga oo soo gaaray wareegyadii ugu dambeeyey ee doorashada

Waxaa jira hal sabab oo doorashada soo socoto ee 2021 ka dhigeysa mid aan lala barbar dhigi karin kuwii ka horeeyey, markii gudiga doorashada ay sheegeen in dalka ka dhaceysa doorasho qof iyo cod, arinka noocaasi Farmaajo ayuu dhoola cadeyntiisa u soo celiyey.

Sidoo Kale Aqri..Jeesow iyo Farmaajo..Yaa Ku Fiican Maadada Taariikhda?

Dabcan xilliga doorashada wili waa naga fogtahay, mana jirin qof saadaalin jiray in Farmaajo soo bixi karo doorashadii tagtay, sidaasi si la mid ahna ma saadaalin karno 13 bil ka dib cidda soo bixi karta.

Taasi oo jirta, mar marka qaar Farmaajo waxa uu u muuqdaa in uu qarka uga sii baxaayo xerada siyaasadda, tusaale yar waxaa noo ah mucaaradada siyaasadda Farmaajo ee baraha bulshada oo kor u kacday.

Si kastaba ha ahaatee in Farmaajo lagu tilmaamo nasiib low, waxa ay dhax taalaa inta u dhaxeysa xasuustii 2017, iyo rajooyinka 2021, waqtiga ayaana u deynay in uu bixiyo jawaabta saxda ah.

Wararka U Dambeeyey

Guusha X S N M X M D

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa loo doortay madaxweynaha Soomaaliya doorasha ka dhacday teendhada Afisyooni ee magaalada...

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...