Farmaajaha Muwaadinka ah VS Siyaad Barrahii Faqashta Ahaa !!

La Wadaag Asxaabtaada

Soomaaliya waxa ay heshay Madaxweyne Muwaadin ah(Waa sida dadka qaar hadda  u hadlaan),  waxa ayna iska kor qaadeen madaxweynihii faqashtaa ahaa (waa sida dadka qaar u hadli jireen), kaas iyo kan ,intii u dhexeysay Soomaaliya waxa ay ka baxsaneyd Qariidada aduunka, warbixinta hoose waa isar bardhig ku saabsan  Labada Madaxweyne.

Xaqiiqonews.com-Wararka Gudaha.

-Farmaajaha Muwaadinka ah waa ninkii Itoobiya  u Daaray nal cagaaran(si ay u soo hamiso dakadaha Soomaaliya) ee  ninka Sidaa Sameeyey ma aheyn Siyaad Barrahii faqashta ahaa.

-Madaxweynihii Codsaday in xayiraadka hubka laga qaado Eriteriya waa Farmaajaha Muuwaadinka,  Halka Madaxweynihii Xoreeyey Jabuuti uu ahaa Siyaad Barrahii Faqashta ahaa.

-Ninkii Sirdoonka Itoobiya u gacan geliyey muwaadin Soomaaliya ah, Ka dibna Iskeed ay u soo deysay, Waxaa uu ahaa Farmaajaha Muwaadinka ah Ee Ma aheyn Siyaad Barrihii Faqashta ahaa.

-Shirarka Jaraa,id, madaxweynaha Ku hadla afka ingiriiska waa farmaajaha muwaadinka ah, halka ninkii qoray farta Soomaaliga uu ahaa Siyaad Barrahii faqashta ah ee ma aheyn Farmaajaha muwaadinka ah.

-Madaxweynihii kor u qaaday sumcadda Soomaaliya, kana Dhigay Soomaaliya Quwad xoog leh waxaa uu ahaa Siyaad Barrihii faqashta ahaa ee ma ahan Farmaajaha muwaadinka ah .

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada