[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo.
Madaxweyne Farmaajo oo ay soo dhaweeyeen Madaxda maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya, qeybaha bulshada iyo ciidamada qalabka sida ayaa shacabka u sheegay in dowladdu ay dadaal u gashay u gurmashada dadka ay abaarta saameysay, ayan sii wadayaan in loo gurmado dadka ku xoolo beelay abaarta.
Madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay shacabka ku nool deegaannada Koonfur galbeed inay la shaqeeyaan ciidamada si looga dulqaado waxa uu ugu yeeray kooxaha dhibaateynaya shacabka, isagoo intaa ku daray in amniga uu ka midyahay tiirarka ay dowladdu qorsheyneyso inay wax badan ka qabato.
“Aan iska kaashano sidii wax looga qaban lahaa amniga, dowladdu waxaa ka go’an inay xoogga saarto arrimaha amniga, si gar gaar loo gaarsiiyo meelaha ay ka jirto abaaraha, waxaana aan diyaar u nahay inaan wax ka qabano abaaraha ka jirta dalka” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]
Farmaajo iyo shariif sakiin oo dadka reer baydhabo meel fagaaro ah kala hadlay#aqriso muxuu sheegay farmaajo
-