farmaajo iyo xaaskiisa oo qaab cajiib ah isku bartay guurkooda ka hor#aqriso farmaajo ayaa ka sheegeyey

La Wadaag Asxaabtaada

Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in Xaaskiisa Seynab Macalin ay isku xaafad ahaayeen laakiin uu calafkooda keenay iney isku arkaan dalka Mareykanka oo ay isguur sadaan.

Qeyb kamid ah Wareysigii Wargeyska Sharqul AWSAD uu la yeeshay madaxweyne Farmaajo ayaa lagu weydiiyay arimo la xariira shaqsiyadiisa.

SU’AAL: Xaaskaaga sidee ku baratay, sideese isku guursateen?

JAWAAB: Xaaskeyga Seynab Macallin waxan isku barannay Muqdisho, isku xaafad ayaan ahayn oo gurigooda iyo gurigeena ayaa isku dhowaa. Mar kale ayaan Mareykanka ku kulannay aniga oo ka shaqeeya safaaradda Soomaaliya ee Washinton iyaduna ay xagga u soo qaxday. 1992 ayaan is guursannay, waxaa inoo jooga 4 carruur ah laba wiil iyo laba gabar.

Sido kale, madaxweyne Farmaajo ayaa la weydiiyay inta uu la egyahay mushaarka uu qaato iyo hadii uu ka badan yahay kii uu qaadan jiray markii uu joogay Mareykanka.

SU’AAL Markii aad Mareykanka joogtay mushaarkaaga waxa uu ahaa $84,000 sanadkii, hadda oo aad tahay madaxweynaha Soomaaliya mushaarkaaga muxuu la egyahay?

JAWAAB: Ilaa markii la i doortay ilaa hadda, wax mushaar ah ma lihi, dowladda ayaa go’aansan doonto in ay ii qoondeyso mushaar madaxeed laakiin, intuu la ekaan doono ma garanayo, maxaa yeelay miisaaniyadda madaxtooyada wali lama meel marinin. Madaxweynaha Soomaaliyana shaqo kuma laha jaangooynta mushaarka, xaqna uma laha in uu khasnadda dowladda ama Bankiga Dhexe lacag kala baxo, sidaa darteed waxaan sugayaa meel marinta miisaaniyadda.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada