Farmaajo oo afar balanqaad uu sameeyey ka baxay#aqriso balamaha wixii ay ahaayeen

-

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii la doortay waxaa uu sameeyay 3 balan qaad oo ilaa iyo hadda mid suuragashay aysan jirin iyo balan afaraad uu uu sameeyay maalintii uu magacabay Ra’iisal Wasaaraha iyadoo haatan markii uu balan qaadkaas sameeyay laga joogi 36 maalmood.
BALAN QAADKII KOOWAAD
Wuxuu yiri markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada madaxweynaha, ”insha allaha maalmaha soo socota shacabka waxaan u jeedin doona khudbad Guud oo ah mid qaran”, hadaba maanta oo 36 maalmood laga jooga markii la doortay Farmaajo marna lama uusan hadlin dadkiisaama khudbadii laga sugayay ma uusan jeedin.
Inkastoo marar badan uu saxaafadda hor yimid, hadana waxaa uu inta badan ka hadlayay waxyaabaha uqabsoomay dowladiisa iyo kulamo uu caalamka la galay, laakiin ma jirto khudbad uu si guud dalka ula hadlay.
BALANTA 2 AAD
Madaxweyne Farmaajo oo hadlayay wuxuu yiri ”dowladihii naga horeeyay waxay ahaayan kuwa tacsi iyo cambaareyn joogta ah sameynayay laakiin anaga taasi waa ka duwanahay, waxaan la dagaalami doona shabaab waxaan qaadi doona talaabooyin cad cad”.
Si kastaba, tan iyo markii la doortay madaxweyen Farmaajo waxaa dalka gaar ahaan magaaladda Muqdisho ka dhacay dilalkii ugu badnaa iyo weeraro isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah, taas oo muujineysa in xaaladda ay kasii dartay.
Inkastoo wali ay dowladu cusub tahay oo aysan jirin gole wasiir oo ku shaqeeya siyaasadda isbadalka, hadana balanqaadii madaxweyne Farmaajo ee ah in maalmihiisa koobaad uu amaanka wax ka qabanayo ayaa umuuqda kuwa aan hirgelin.

BALANTA 3 AAD
Madaxweyne Farmaajo ayaa Ra’iisal Wasaare Xasan Kheye ku magacabay kaliya 16 cisho markii uu joogay xafiiska Villa Soomaaliya isla maalintii uu magacabay waxaa uu Ra’iisal Wasaaraha kaga dalbaday in 15 cisho ku soo dhiso Golihiisa Wasiirada.
Haatan Kheyre 15 cisho ka badan ayuu magacaban yahay ama maalintii la dhaariyay laga jooga, dalka waxaa ka jira dhibaatooyin fara badan, gaajo abaaro iyo daacuun, waxaa intaas sii dheer qaraxyada iyo dilalka abaabulan, sidaas darteed Xasan Kheyre mudadii Madaxweynaha ballan qaaday ee ahayd in 15 cisho ku soo dhiso Golaha Wasiirada ma dhicin.
Dad badan ayaa arka in qancinta xisbiyada siyaasadda, odayaasha beelaha iyo saaxiibadii labada masuul ay sabab uyihiin in ay dib udhacdo soo magacaabidda golaha wasiirada, halka maamul goboleedyada ay sidoo kale arintaas ku lug leeyihiin, laakiin waxaa muuqata in balantii madaxweynaha aysan hirgelin.
BALANTA AFARAAD
Doorashadii Farmaajo kadib 90 qof ayaa dhimatay ,76 waa dhaawacantay, qaraxyada iyo dilalka abaabulan waa ka dareen, 8 oday dhaqmeed waa la dilay.
Balantiisa ahayd inuu cagta marin doona Shabaab ma dhicin, sidoo kale ma dhicin in qofkii soo sheega qarax Shabaab abaabuleen boqol kun oo dollar siin doono ma dhicin.
Si kastaba, dowlada ayaa wali ku dadaaleysa soo celinta amaanka dalka iyo saxidda qaladaadkii ay galeen madaxdii ka horeysay, waxaana talliska ciidamada iyo madaxda qaarkood ay dalbanayaan in wali ay waqti ubaahan yihiin.

Wararka U Dambeeyey

Shiinahaha Oo Digniin Bixiyey “Mareykanka Waddo Qaldan Ayuu Ku Socdaa”

Yang Jiechi oo ah diblomaasi sare oo ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegay in dalkiisa...

Maxay Mareykanka Ka Qabtaan Soomaaliya Inta U Dhaxeysa Soo Galis Iyo Sii Bixid?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Joe Biden ayaa saxiisay go'aan ciidamo Mareykan ah dib loogu celinaayo Soomaaliya, mana ahan markii...

Hindiya..Shimbirihii Oo Kuleyl Dartiis Dhulka Ku Soo Daadanaya!

Galbeedka Hindiya, abaar darran iyo kuleyl hanfi leh oo halkaasi ka jiray muddadii 3-dii bil ee ugu dambeysay darteed...

Guusha X S N M X M D

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa loo doortay madaxweynaha Soomaaliya doorasha ka dhacday teendhada Afisyooni ee magaalada...

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...