Farmaajo oo Amaro dul dhigay Madaxda Maamul Goboleedyadda………

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyane Farmaajo uu ku amray Madaxda Maamul goboleedyada in ay soo gudbiyaan Qudbadaha Qoraalka khudbadaha ay ka jeedinayaan shirka Magaalada London 11-ka bishaan ka dhacay.

Ujeedka ayaa illo lagu kalsoonaan karo aan ka soo xigatnay in uu yahay si looga saxo Madaxda Qudbadaha oo aysan u baal marin hadafka Dowlada dhexe ee Federaalka Soomaliya.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in qoraalo uu u direy Madaxda Maamul goboleedyadda dalka ka jira islamarkaana uu ka codsaday In soo gudbiyaan khudbadaha ay ka jeedinayaan shirka Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa Maamul goboleedyadda ayaa horey u sameeyay in mas’uul walba uu firkiradiisa kusoo bandhigo Shirarka ay isugu Yimaadaan ee ka dhaca Gudaha dalka iyo Caalamka.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA