Farmaajo Oo booqday Qabriga Ninkii Burburiyey Khilaafadii Isalaamka ee Cuthmaaniyiinta

[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Max’med Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqasho gaar ah ku tagay qabriga Ninkii calaamiga ahaa ee Mustafa Kamaal Ataturki!.

Ataturki wuxuu ahaa aas-aasihii Jamhuuriyadda Turkiga.. waa Ninkii dumiyay Khilaafadii Islaamiga Cuthmaaniyiinta islamarkaana dhidibada u taagay dowlad Turkiya oo duugtay dhammaan shacaa’irta islaamka.

Farmaajo ayaa music-ga iyo astaanta Turkiga loogu dhax tumay qabriga Ataaturki, saraakiisha warfaafinta Madaxtooyada ayaa sheegay in booqashadu ay aheyd Ziyaaro alle bari ah!.

Ataaturki ayaa masjidka caanka ah ee Ayaasoofiya ubedelay Matxaf sidoo kale Aadaanka Salaadaha ayuu mamnuucay wuxuuna amray in luqadda Turkiga lagu addimo.

Dhammaan hoggaamiyaashii soo maray dowladda Federaalka ayaa socdaallo ku tagayay wadanka Turkiga

Dowladda Turkiga waxay kamid tahay dowladaha qeybta ka ah dalalka faraha kula jira arimaha dalka Soomaaliya iyadoo dhanka akhlaaqda iyo dhaqaalaha uga qeyb qaadanaysa Faragelinta dalka ka socda.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA