Farmaajo oo diiday Dalab cusub oo kaga yimid Itoobiya Kuna saabsan in…………………..

La Wadaag Asxaabtaada

[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa diiday dalab ugu yimid dowladda Ethopia oo ku aadan in uu booqdo Magaalada addis ababa ka hor inta uusan furmin shirka Magaalada London ee 11-ka bisha soo socota.
Ilo lagu lagu kalsoonan karo ayaa xaqiijiyay in saraakiil uu kamid yahay Generaal Gebre oo ayaa u soo bandhigeen Madaxweyne Farmaajo in uu booqdo Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethopia inta uusan u safrin Magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga sababta keentay in Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo uu diido in uu booqdo Mgaalada addis ababa ee xarunta dalka Ethopia, iyadoo madaxdii ka horeysay ay booqan jireen dalkas.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada