Madaxweyne farmaajo ayaa ku wergeliyeyTaliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya in Ciidamada Millitariga mudo kooban kadib Ciidamada AMISOM in ay kala wareegayaan amniga dalka.
Maxamed Aadan Axmed (Buud) Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka loo qalabeynayo sidii mudo kooban kadib guud ahaan ammaanka Soomaaliya ay ugala wareegi lahaayeen Ciidanka AMISOM.
Waxa uu sheegay Taliye Buud Ciidanka Xoogga dalka in dhowaan lagu sameyn doono isku dhaf, maadaama dhowaan la filayo in ay la wareegaan ammaanka dalka.
Taliyaha Ciidanka Soomaaliya Maxamed Aadan Axmed (Buud) ayaa Wasiirka Gaashaandhigga cusub ee Soomaaliya waxa uu ugu baaqay in uu ka shaqeeyo tayeynta iyo qalabeynta Ciidanka.
Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM oo ku sugan caasimadda Soomaaliya iyo Gobolada dalka qaar ayaa caawinaya Ciidanka dowladda Soomaaliya oo ah ku aad u taagtaran.
Alshabab ayaa bilihii ugu danbeeyey qabsday goobo badan oo dowladda ka talin jirtay ka dib markii ay iska baxeen ciidamada Amisom .
hadii sida qorshaha yahay ay baxaan ciidamada Amisom waxaa halis gali kara amaanka shaqaalaha dowladda maadaama ciidamada soomaaliya aysan laheyn awood ay ugu ubabac dhigaan alshaabab.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]
Farmaajo oo Guuxiisa ka dheereeyey kuna dhaqaaqay arin halis ku ah shaqaalaha dowladda
-