Farmaajo oo ka naxsaday beelaha habargidir iyo Abgaal”aqriso wixii ay ka xanaaqeen”

La Wadaag Asxaabtaada

Madaxweynaha cusub ee Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa fariin digniino ah ka helay dad wax garad ah kuwaas oo uga digay iney Dowladiisu colaadiso beelaha abgaal iyo habar gidir .
Farmaajo ayaa ku balan furay beelaha Abgaal iyo Habar Gidir kuwaas oo uu dhamaan ka balan qaaday xilka Ra’iisul wasaaraha ,laakiin waxaa uu badalkeeda xilka siiyay beesha Murusade oo ka mid ah beelaha Hawiye.

Lama yaqaano waxa uu madaxweynuhu ka yeeli doono beentii uu u sheegay beelahaas oo uu ku yiri mid walba xilka waan idin siin doonaa markii aan kasoo laabto Sacuudiga laakiin si lama filaan ah ayuu u magacaabay Xasan Cali Kheyre oo Murusade u dhashay saacado ka hor intii uusan Sacuudiga aadin.

“Farmaajo waxaa u roon inuusan farta isku soo fiiqin ,ma rabno inaan u laabano meeshii shalay aan ka nimi , cidna ma colaadin doono hadii aan mudnaanteena helno laakiin waxaan kula talin lahaa inuusan isku colaadin Habar Gidir iyo Abgaal ayuu yiri nabaddoon ka soo jeeda habargdiri oo diiday in magaciisa baahinta loo isiticmaalo

Ilo muhiim ah ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu rabo inuu wasiiro muhiim ah ku qanciyo labadaas beelood oo iyaga xanuunkii ugu weynaa qaaday maalintii taladaada ee la soo dhaafay oo aheyd maalintii xasan cali khyre loo magacaabay ra,iisa wasaaraha soomaaliya.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada