madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaab hanjabaad ku jirto uga hadlay dibadbaxyadii bajaajleyda muqdisho.
Xaqiiqonews-Wararka Gudaha, Muuqaalo
Madaxweynaha Oo ka hor hadlaayey dad haween u badan ayaa Amaan ku dhoobay askarta dowladda oo uu ku tilmaamay kuwa loo soo tababaray ilaalinta hantida shacabka.
Farmaajo ayaa lahjad adag kula hadlay dibadbaxayaasha isagoo ku tilmaamay “qaswadayaal” ,dhanka kalase waxa uu tacsi waqtigeeda ka soo haaday u diray ehaladii dadka laga dilay.
Madaxweynaha ayaa isku dayey in uu “Marmarsiiyo” U Sameeyo khaladaadka asakarta dowladda isagoo yiri “Askarteena boqolkiiba sagaashan iyo sagaal waa ay wanaagsanyihiin”
Farmaajo oo hadalka sii wata ayaa yiri “hal midoo xun badda ma qurmiyo”