Farmaajo oo Ku dhaqaaqay Go,aan ka Carreysiiyey Dadweynaha Xamar dagan

-

Dowladda Soomaaliya ayaa amartay in guri walba oo la degan yahay oo Muqdisho ah in laga qaado lacag dhan Labo Milyan oo Shilin Soomaaliya.
Amarkaas ayaa durba si weyn uga dhaqan galay degmooyinka Yaqshiid, Dayniile iyo qeybo kamid ah Warta Nabadda.
Ciidamo hubeysan ayaa gur walba galaya iyagoo udhiibaya warqad ay ku qoran tahay in mudo gaaban ay ku soo bixiyaan lacag labo milyan ah, waxaana ay taas ku sheegeen amar kasoo baxay dowladda,
Qaar kamid ah dadka amaradaas uu saameeyay ayaa sheegay iney aad uga xun yihiin in dowladda ay xataa dad aan waxba haysan lacagahaas ku amartay iney bixiyaan oo aysan garaneyn halka loo wado.
.Inkastoo dowladda aysan ka hadlin qaadida lacagtan gaareysa labada milyan ee Shilin hadana, ciidamada howlgalkaas fulinaya ayaa ah kuwa aad ubadan oo dadka ku qasbaya iney lacagtaas bixiyaan.
Maamulka cusub ee gobolka Banaadir ayaa bilaabay inuu cadaadis xoogan saaro dadka magaaladda Muqdisho iyadoo ay jirto in dadku ay la dhibtoonayaan amaan xumo iyo sicir barar.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...