[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay inuu furay xafiis ay howshiisu noqon doonto talo ururin.
Xafiiskan ayaa la sheegay inuu ururin doono tallooyinka bulshada Soomaaliyeed ay u dirayaan madaxweynaha cusub, iyadoo la faafiyay email loogu dirayo tallooyinka ku socda madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Farmaajo.
Xafiiskan talo ururinta u qaabilsanaan doona madaxweyne Farmaajo ayaa tallooyinka loogu diri doonaa emailka: talowadaaag@farmaajo2016.com, waana email ku xiran website hore loogu sameeyay ololihii doorashada Farmaajo.
Baraha bulshada iyo website-yada ayaa waxaa hareeyay tallooyin iyo qormooyin looga hadlayo madaxweynaha cusub iyo tallaayin loo jeedinayo.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]
Farmaajo oo ku dhawaaqay arin taageerayaashiisa oo dhan ka farxisay”aqriso arinta”
-