Farmaajo oo la kulamy beesha muddulood iyo cabsi ka dhalatay warqado lagu soo daadiyey muqdisho

-

[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]
Wararka aynu ka heleyno qeybo kamid ah Muqdisho ayaa sheegaya in la arkay warqado la daadiyay kuwaas oo lagu qoray fariin ku socota madaxweynaha DF Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Qaar kamid ah warqadahaas oo aan helnay ayaa waxaa ku qoran in shacabka Soomaaliyeed ay ku faraxsan yihiin in madaxweyne Farmaajo uu dalka ku hogaamiyo nabad iyo xasilooni.
Laakiin waxaa ay Warqadahaas ku qoreen in RW Cusub ee dalka Xasan Cali Kheyre uusan qaadi karin awooda xilkaas loo magacaabay.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa loogu baaqaya inuusan lumin kalsoonida shacabka Soomaaliyeed oo aad utaageersan.

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan wadatashi ah ugu yeeray xildhibaanada labada gole ee kasoo jeeda Beesha Mudullood.
Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha uu Beeshan kala hadlayo awood qeybsiga xukuumadda Soomaaliya kadib markii uu magacaabay Ra’iisal wasaare cusub oo aan beeshan kasoo jeedin.
Beeshan ayaa hore madaxweynaha u weydiisatay inuu siiyo xilka Ra’iisal wasaaraha, arrintaas oo aan dhicin, laakin waxaa muuqata inuu raadiyo taageerada beeshan.
Kulankan ayaa ka danbeeyay shir kale oo Ra’iisal wasaaraha magacaaban Xasan Cali Kheyre la yeeshay xildhibaanada Beesha Hawiye.
Kulamada ayaa dhammaantood ku saabsan kalsooni u raadinta Ra’iisal wasaaraha cusub iyo awood qeybsiga xukuumadda la dhisi doono.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...