Farmaajo Oo Maalmihii Dacarta U Bilawdeen Iyo Kalsoonidii Shacabka Oo Hoos U Sii Dhacaysa.

-

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa markii la doortay kadib shaaca ka qaaday in Dowladiisu ay xooga saari doonto Amniga dalka, gaar ahaan kan magaalada Muqdisho isagoo markaasi ballan qaad dhaqaale u sameeyay cid alla cidii soo aragta gaari waxyaabaha qaraxa ka buuxa iyo ciidamada amaanka oo loo balan qaaday mushaarkooda.

Madaxweynaha waxa uu tilmaamay in Amniga uu ku bixin doono dhaqaalaha ugu badan, isla markaana uusan ka aamusi doonin in Hay’adaha amaanka ay dayacaan Amniga.

Magaalada Muqdisho, ayaa tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo marti galineysay Qaraxyo iyo dilal lala eeganaayo Shaqaalaha Dowlada iyo dadka la shaqeeya dowladda.

Qaraxyada ayaa isugu jira kuwo ismiidaamin ah, kuwo lagu xiro gaadiidka shaqaalaha Dowlada iyo kuwa lagu weeraro goobaha Ciidamada ay ku sugan yihiin.

Qaraxyada ayaa waxaa ka badan dilalka loo geysanaayo Shaqaalaha Dowlada, iyo odayaasha, waxa ayna musiibooyinkaani muujinayaan in Hay’adaha amaanka Dowlada ay dayaceen wax ka qabashada amniga magaalada Muqdisho.

Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa bilowgii Doorashada Somalia ee uu kusoo baxay Madaxweyne Farmaajo muujiyay taageero xad dhaaf ah, iyagoo Farmaajo ku amaanay hal ku dhigyada Amniga iyo Cadaalada waxaana iminka muuqaneysa in isbedel uu ku imaan doono Taageerada Farmaajo, haddii aan wax laga bedelin Amni darida ka taagan dalka, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Waxyaabaha ay shacabka ku taageeren Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa isbedelka Amniga, Cadaalada iyo dib usoo celinta Horumarka, waxaana haddalka iyo ballanqaadka Madaxweynaha kadib ay magaalada Muqdisho marti galisay amni darro heerkii ugu sareeyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa laga yaabaa in Shacabka Muqdisho uu kala kulmo kalsooni darro maadaama Dowladiisu aysan wali qaadin talaabo lagu xoojinaayo amniga magaalada Muqdisho.

Dhaliisha ugu badan ee Amni darrida ayaa dusha looga tuuray Taliyayaasha Hay’adaha amaanka oo qaarkood aan kawarqabin waxyaabaha ka dhacaaya dalka.

Dowlada Somalia ee uu Hogaaminaayo Madaxweyne Farmaajo ayaa looga fadhiyaa inay la imaado isbedel dhanka Amniga waana waxa kaliya ee uu ku fashilmo karo Farmaajo haduusan wax la taaban karo ka qaban.

[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...