Farmaajo Oo Qof Muhiim ah Ku Waayey Covid-19

La Wadaag Asxaabtaada

Xildhibaan Khaliif Muumin ahna wasiiru dowlihii cadaaladda ee maamulka Hirshabeelle ayaa noqday qofkii labaad ee u dhinta xanuunka Covid-19 gudaha Soomaaliya.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Khaliif Muumin waxa uu noqonayaa qofkii labaad ee inta la ogyahay gudaha Soomaaliya ugu geeriyooda cudurka Coronavirus. Khaliif ayaa cudurka ku qaaday gudaha dalka, mana jirin wax safar dibadeed ah oo uu dhowaanahan galay.

Khaliif Muumin ayaa la xaqiijiyey in uu qabo xanuunka covid-19 jimcadii la soo dhaafay, waxaana intaasi wixii ka dambeeyey lagu xanaaneynaayey isbitaalka Martiini.

Qofkii ugu horeeyey ee Xilhaaya Oo U Dhinta Covid-19

Khaliif Mumin waxa uu noqonayaa qofkii labaad ee u dhinta covid-19 Soomaaliya oo dhan, sidoo kale waa qofkii ugu horeeyey ee isaga oo xil haaya u dhinta cudurkan covid-19.

Sidoo Kale Aqri..Biyo Kulul Oo Lagu Qubeystaa Ma Dili Kartaa Fayruska Karoona

Waxaa lagu tilmaami jiray siyaasiyiinta sida aadka ula dhacsan maamulka farmaao, waxaana dhowr mar uu jeediyey khudbada uu ku taageeri jiray farmaajo.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in dalka Soomaaliya laga diwaangeliyey ilaa 21 qof, halka 2 qofka ay bogsatay, waxaana cudurka u geeriyooday 2 qof, taasi oo tirada dadka hadda cudurka qaba ee la ogyahay ka dhigeysa 17 qof.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada