WARARKAFarmaajo oo sameeyey arin aysan sameyn madax weynayaashii dalka...

Farmaajo oo sameeyey arin aysan sameyn madax weynayaashii dalka soo maray

-

[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]
Wararka laga helayo madaxtooyada ayaa sheegaya in wariye gaara loo magacaabay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Weriyahan ayaa lagu magacaabaa Cali Baashi C/llaahi Cabdi, wuxuuna hore uga soo shaqeeyay warbaahinta gaarka, isgoo markii ugu horeysay ka mid ahaa weriyeyasha Telefishanka Universal xafiiskiisa Muqdisho.
Arrintan ayaa ka danbeysay jahawareer ka taagnaa xiriirka Agaasinka warfaafinta madaxtooyada iyo warbaahinta ka howlgasha Muqdisho taasoo la soo bilaabatay markii uu xilka la wareegay madaxweyne Farmaajo.
Lama oga shaqada uu qabanayo weriyaha gaarka ah ee madaxweynaha, iyadoo warbaahinta kala duwan oo ay ku jirto warbaahint dowladda ay leeyihiin weriyeyaal u qaabilsan xafiisyada iyo hay’adaha dowladda.
Madaxweynihii hore ee Maxamed Siyaad Barre ayaa lahaa weriye gaara oo ka tirsan Radio Muqdisho, balse waa markii ugu horeysay ee madaxweyne loo sameeyo wariye aan ka mid ahayn wariyeyaasha warbaahinta Qaranka.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

Wararka U Dambeeyey

Qadar Oo Ka Niyad Jabsan Sida Mareykanka Uga Aamusanyahay Dalabkeedii Beeca Diyaaraha

Sida ay daabacday majaladda "Wall Street Journal" ee Ameerikaanka ah dowladda yar ee gacan carbeed dhacda Qadar ayaa ka...

Falanqeyn..Icj Waxa Ay Sameysay Xal Mise Xaq

Maxakmadda cadaaladda QM ayaa go'aan ka soo saartay muran badeedka Soomaaliya iyo Kenya, go'aanka Maxkmadda ayaana ahaa mid...

Maxaa Dhici Kara Go’aanka Icj Ka Dib?

Sida balantu tahay go'aanka maxkamadda Icj ee ku saabsan muran Somaaliya iyo Kenya ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta taladaada...

Imaaraatka Oo Iktishaaf Cusub Ku Sameeyey Meeraha Mars

Madax sare oo ka tirsan dowladda Imaaraatka ayaa baraha bulshada ku baahiyey iktishaafaat cusub oo Misbaarka Rajada ee Imaaraatka...

Safiirka Sacuudiga Ee Soomaaliya Waa Soomaali!

Dowladda Sacuudiga ayaa safiirkeeda Soomaaliya u magacaawday Axmed Maxamed Oo ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Sacuudiga ku nool. XAQIIQO...

Maxaa Keenay In Waqtigan Radio Muqdisho Af-Taliyaani Lagu Baahiyo?

Markii ugu horeysay muddo sano ka dib, idaacadda dowladda ay leedahay ee Radio Muqdisho ayaa lagu tabin doonaa af-Taliyaani...