Farmaajo Oo xafiiskiisa Suray Sawirka Madaxweynihii Hore ee somaaliya Ee dhintay mudane…….

-

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku dhaqaaqay tallaabo uu xafiiskiisa ku suray mid ka mida madaxweynayaashii Soomaaliya.
Farmaajo ayaa sheegay inuu xafiiska suray sawirka madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Aden Cabdulle Cusmaan, isagoo ku tilmaamay waxa uu gu yeeray aabihii dimoqraadiyadda.
“Waxaan xafiiskayga suray sawirka Madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Mudane Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde).” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo intaas ku daray. “Aadan Cadde ma ahayn oo kaliya Madaxweynihii 1aad ee dalka. Waxaa kale oo uu ahaa bud-dhigihii dimuqraadiyadda Afrika.”
Sawirka qurxin ahaa ayaa hore u surnaa xafiiska ayaa lagu bedelay muuqaalka madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya, waxaana laga yaabaa in arrintan uu farmaajo ku qarinaayo eedeymaha is daba jooga ah ee kaga imaanaayey shacabka oo ku saabsanaa in uu yahay qabyaaladiiste.
Jawaabta uu soo alifay madaxweyne Farmaajo ayaa ah mid yaab leh oo loogu talogalay in looga hortago eedeymaha noocaasi ah oo bilooyingii ugu danbeeyey farmaajo ku noqday mucjiso wadnaha kaga taagan .

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...