Farmaajo Waxaa Uu Ka Soo Galay Albaabka”Wadaniga” Waxa Uuna Ka baxay Albaabka “Khiyaanada”

La Wadaag Asxaabtaada

Hadii aysan dhici laheyn dilka iyo dulmigii Ikraan, waxaa laga yaabaa dad badan in aysan ogaan laheyn wajiga rasmiga ah ee Farmaajo, Farmaajana waxa uu iska sii xoqon lahaa kaarka wadaniyadda.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDHA

Farmaajo waxa uu ku soo bilowday, khudbada macaan, hadalo xamaasad leh waxa uuna had iyo jeer ku soo cel celin jiray “Soomaaliya ha noolaato”.

Maanta waxa aan aragnaa Farmaajo dhammaanshiyihiisa, ma jiro wax hadal ah, waxa uuna ku soo celceliyaa warqado markii la fasiro xambarsaan macno u dhawaaqaya sida in uu leeyahay “Ikraan ha dhimato”.

Kaliya kiiska Ikraan kuma filneen si aan u aragno wajiga dhabt ah ee Farmaajo, sidoo kale go’aankii adkaa ee Rooble qaatay ayaa ku qasbay madaxweynaha waqtigiisii dhammaaday in uu banaanka is keeno.

Sidoo Kale Aqri: Waa Kuwee Kooxda 4+1 Ee Loo Heysto Dilka Ikraan?

Maxaa Dhici kara?

Qoraal ka soo baxay midowga musharaxiinta ayaa lagu dhiirigeliyey dadaalada ra’iisal wasaaraha ee cadaalad u raadinta Ikraan iyo hubinta qabsoomidda doorashooyin xor ah.

Midowga musharixiinta ayaa Faramaajo iyo ciidankiisa u aqoonsaday “Qaswadayaal” iyaga oo ka dalbaday beesha caalamka iyo shacabkaba in la taageero dadaalada ra’iisal wasaaraha ee cadaaladda u raadinta Ikraan

Goor sii horeysay, qoraal ka soo baxay hay’dd xasaradaha caalamiga ah ee maghaceeda loo soo gaabiyo ICG ayaa lagu xusay suurtagalnimada cunaqabateyno dhaqaale oo lagu rago dad ay kooxdu ugu yeertay “Qasdwayaasha”.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
1
La Wadaag Asxaabtaada