Farmaajo oo Xaaladiisa Caafimaad ay Xumaatay iyo safar dibadda oo uu dhawaan U baxayo

-

Xubno lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Villa Somalia ayaa sheegay in dhawaan madaxweynaha Soomaaliya uu dhawaan dalka dibadiisa uu ku aadi doono baaritaan caafimaad Islamarkaana uu soo qaadan nasiino mudo todobaad ah.

Maxamed c/llahi farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmahaan waxaa la soo gudboonaaday xanuuno badan kuwaas oo la aaminsan yahay in ay ka dhasheen daal iyo doodo kulul uu kusoo jiray tan iyo olalihii doorashadiisa.

Madaxweynaha ayaa la sheegay waxa ugu weyn ee heesta in ay tahay hurdo la’aan iyo daaal farabadan waxaana habeen iyo maalin xafiiskiisa uu qaabilayaa tan iyo markii la doortay hogaamiyaal muran qaba iyo murashaxiin xil raadis ah.

Shalay ayaa Madaxweynaha xanuun maalmahaan la yareysanaayay dareemay isagoo ku guda jira booqosho uu ku joogay Xarunta Jaamacadii Umadda ee Gaheyr.

Wariyaal iyo saraakiil ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ku dhax hurday Xarunta Jaamaacdda Gahayr waqti kooban uu helay meel uu fariisto oo madaxda loo diyaariyay.

Waxaan shaki ku jirin uu daal farabadan dareemayo Madaxweynaha Soomaaliya oo aan qaadan waqti nasiino ah ilaa markii uu soo bilaabay olalahiisa doorashada kadib guushiisana uu wajahay Mowjado siyaasadeed.

Xanuun dhinaca madaxa ah iyo jir xanuun iyo daal ayuuna hada la daalaa dhacaya madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed c/llahi farmaajo.

Xubnaha aan xogtaan ka helnay ayaa sheegay in Madaxweynaha uu safarkiisa baaritaanka iyo nasiinada uu ku tagi doono Dalka Turkiga markii uu dib usoo laabta Madaxweynaha turkiga oo hada ku sugan Dalka Sacuudiga.

Warar kale ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu caafimaadkiisa ku Tagi doono Imaaraad balse waxa ay Ilaha aan wararka ka helnay isku raacsan yihiin Madaxweynaha uu dhawaan Caafimaad iyo Nasiino dibada ah aadi doono isagoo soo maqnaan doona mudo todobaad ah.

Wararka U Dambeeyey

Calaamado Soo Muuqan Kara Bil Ka Hor Wadno Xanuunka

Dr. Satir Zhijian, oo ah dhaqtar wadanaha ayaa tilmaamay in calool xanuunka iyo dhabar xanuunka ay noqon karaan calaamado...

Xarun Sayniska Iyo Tiknoolajiyadda U Gaar Ah Oo Muqdisho Lagu Dhagax Dhigay

Jaamacadda SIMAD oo caan ku aheyd aqoonta ganacsiga iyo xisaabaadka ayaa dhawaan daah furtay xarun cusub oo u gaar...

Xog..Jabuuti Oo Soo Bandhigtay Darooniska Bayrakhtaar TB2

Bandhig milatari oo Jabuuti ugu dabaal dageysay sanad guurradii 45aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada ka qaateen...

Nin Xaaskiiska U Dilay Maxaad Gabar Uurka Ugu Sidaa !

Arin argagax leh ayaa laga soo sheegay Masar, nin inta xaaskiisa dilay ka dibna meydkeeda gubay kuna aasay meel...

Xasan Iyo Xamze: Maxay Qaban Karaan Maxaase Dhici Karin?

WARKA: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey si aqlabiyad buuxda ah RW cusub Xamza Cabdi Barre, haddaba su'aasha...

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...