Farsamo Cusub..Bitiri Laga Dabeynaayo Jirka Dadka

-

Saynisyahano Ruush ah oo ka tirsan Jaamacadda Qaranka ee Cilmi-baarista iyo Teknolojiyada “MISiS” ayaa abuuray nooc cusub oo unugyo heer kuleed ah, kaasoo tamarta kuleylka u beddelaya koronto.


XAQIIQO NEWS- TIKNOOLAJI

Marka la fiiriyo farsamada cusub ee saynisyahanada, waxa ay suurtagal ka dhigeysaa in Bitiriyaasha elektaroonigada ee gacanta lagu qaato laga jaajareyn karo heer kulka ku hareereysan.

Saynisyahanada waxa ay had iyo jeer ku celcelin jireen dabka lagu sameeyo farsamooyinka noocan ah in uu yahay wili mid aad u yar, arinkaasina waa carqalad ka dhan ah dhaqan gelinta farsamadan waqtiga hadda la taaganyahay

Hase ahaatee culimada ka socday jaamacadda tiknoolajiyadda qaranka ee Ruushka, waxa ay baaritaan ku sameeyeen xalka mushkiladdan iyaga oo soo saaray unguyo heer-kulleed ku shaqeeya electrodes-ka birta iyo aaladda korantada biyaha, waxa ayna sheegeen in arintani ay xalin doonto dhibka taagaan, madaama qulqulka dabka ay kor u qaadeyo, isla markaana ay hoos u dhigeyso iska caabinta Bitiriga.

Farsamadan cusub ayaa macquul ka dhigeysa in jirka ban’aadamka loo adeegsado koronto ahaan, sida Xaqiiqonews ay ka soo tarjuntay webseetka ay leedahay Majaladda “Renewable Energy”.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...