Fatwooyinkii hore ee culimada Sacuudiga ayaa “gar jaristu” waxa ay aheyd “Xaaraam”, hase ahaatee dhawaantan waxaa soo baxay culimo badan oo gar jarista ka dhigaya “mid banaan”, iyagoo soo qaadanaya daliil walbo oo ra,yikooda taageeraya.
Xaqiiqonews-Wararka Dibadda
Muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada, ayaa waxaa ka soo muuqday wadaad caan ah oo ka tirsan jaamacadda Umul Quraa ee magaalada Makka ninkani oo lagu magacaabo Xaatim al-cowni ayaa baneeyey gar jarista, isagoo tilmaamay in arinkani uusan aheyn dambi.
Waxaa uu sheegay in uusan jirin daliil xoogan oo tusinaya waajibnimada “gar dheereysiga”, iyadoo fatwadani ay ku soo beegmeysi xilli dalka sacuudiga uu galay Furfurnaan xagga diinta middii ugu weyneyd ee wadankaasi uu soo maro, waxaana maalmahan dambe wadanka ku soo batay dhacdooyin aan lagu aqoon jirin wadankan Muxaafadka ah.
Sacuudiga ayaa malmahan dambe waxaa xalaal isku badalay waxyaabo markii horay wadankaasi ka ahaa “Xaaraam” waxaana isbadalan oo dhan ay yimaadeen ka dib markii uu xukunka la wareegay Maxamed Ibnu Salman oo hadda ah dhaxal suge.