Filim Laga Sameeynaayo Canugii Suuriyaanka ee Badda Ku Dhintay..Go’aankan ayey Qoyskiisa Qaaateen

La Wadaag Asxaabtaada

Sawirka Alan Kurdi ayaa sanadkii 2015 u noqday calaamad weyn dhibaatada Qaxootiga Yurub u qulqulaya, muddo ka dib filim lagu waday in sheekadiisa laga sameeyo ayaa waxaa go’aan adag ka qaatay xubnaha qoyskiisa.

Xaqiiqonews-Wararka Dibadda

Alan Eedadiis oo qaxooti ahaan u joogta dalka Kanada ayaa Janaalka SBC u sheegtay sidan “Qalbikeyga waa go’anyahay.. fikradda ah in filim laga saaro dhacdadana waa mid aan diidanahay”.

Waxa ay intaasi ku dartay in qoyska aan lagala tashan filimka lagu wado in la soo saaro.

Eedada ayaa sheegtay in aabaha dhalay Alan oo lagu magacaabo Cabdulaahi Kurdi kuna Sugan Ciraaq in uu la soo xariiray una sheegay mowduuca ku saabsan Filimka isaga oo ooynaya.

Waxa ay tiri ” waa uu ila soo xariiray isagoo oyana oo dhahaya ma maleysan kari in wiilkeyga uu noolasha ku soo laabanaya mar labaad(filimka dhexdiisa).

Waxaa la sheegayaa in filimka oo wata magaca “Baby Aylan..Sea of death” (Qaaliyow Alan…Badda Dhimashada) in lagu diyaarinaayo gudaha Dalka Turkiga. wararka qaar ayaana sheegaya in jilaaga Ameerikaanka Ah Steven Seagal uu qeyb ka yahay Filimka.

Sidoo kale Aqriso: Sidee-u-sameyn-kartaa-afganbi-guuleysta-bilow-ilaa-dhamaad?

Soo saaraha Filimka Cumar Sarikaya ayaa baraha bulshada ku faafiyey sawir gaar ah oo filimka ka tirsan isagoo sheegay in filimka uu ka hadlaayo dhibaatada guud ee heysata tahriibayaasha waxaa uuna intaasi kuu sii daray “in aysan suuragal aheyn in la badalo waqtigan ciwaanka Filimka”.

Alan Kurdi ayaa meydkiisa laga helay Xeebaha Turkiga, ka dib markii badda ay qaatay isaga iyo xubno ka tirsan qoykiisa oo isku dayey in ay gaaraan jasiirad ka tirsan Gariiga.

Sawirka Alan ayaa watigaasi helay shacbiyad bada, iyadoo arintaasina ay soo jiidatay dareenka dad badan, taasi oo Midowga Yurub ku qasabtay in ay Xaduudda u furaan qaxootiga Siiriyaanka Muddo Gaaban

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada