Filish Oo Dadkii Ku Dhintay EX Ku Sifeeyey “dad Muhiim aheyn”

La Wadaag Asxaabtaada

Gudoomiyaha gobolka Benaadir Cumar Filish ayaa qaab caajisan uga hadlay qaraxii ex, isagoo sheegay in laga hortagay ujeedadii ay damacsanaayeen waxa uu ugu yeeray “dhagarqabayaasha”.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Cumar Filsih ayaa sheegay in dadka ugu badan ee ku dhintay qaraxii Ex ay ahaayeen arday u socotay dugsiyadaha iyo jaamacadaha.

“Inaa lilaahi waa inaa ilaahi raajicuun” ayuu yiri filish oo intaasi sii daba dhigay “allaha u naxariisto dadkii ku dhintay qaraxa”.

Cumar Filish ayaa sheegay in qaraxaasi ay ka dambeeyeen waxa uu ku tilmaamay dhagar qabayaasha balse Filish marna ma uusan magac dhabin cidaa ay yihiin dhabar qabyaasha u tuhmaayo.

Cumar Filish ayaa ciidanka amaanka ugu mahadceliyey sida ay ugu horatgeen qarax lala damacsanaa in lala gala gudaha magaalada.

“Waxa ay doonayeen in qaraxa magaalada u gudbo, si goobo muhiim ah iyo dad muhiim loogu qarxiyo”, ayuu yiri Cumar filish.

Dad careysan oo baraha bulshada fikirkooda ku soo bandhigay ayaa calaadmadu su’aal weyn dul dhigay hadalka filish ee ah “goob muhiim ah iyo dad muhiim ah” iyagoo is weydiiyey yaa waaye dadka ka muhiimsan ardaydii iyo shacabkii ku dhintay Ex.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada