Dad careysan ayaa maanta dibad baxyo ka sameeyey Muqdisho, iyagoo ka gadoodsan fal dambiyeed dil ah oo askari ka tirsan booliska uu u geystay labo qof oo shacab ah.
Xaqiiqonews-Wararka Gudaha
Falkani dilka ah oo aan aheyn kii ugu horeeyey, ayaa imaanaya xill ay Df-ka ku dhawaaqday in ay kordhisay bandawgii saarnaa magaalada.
Habeenimadii Jimcada ayaa askri ka tirsan dowlada oo magaciisu lagu sheegay Xasan Aadan Xasan, uu qaab fool xun dil ugu geeystay Madiino Cabdullaahi Cabdi oo 17 jir ahayd iyo Xasan Cali Caddaawe oo ahaa 24 jir.
Banaabaxayaal ka careysan dilalkaasi is xigxigay ayaa saameeyey mudahaardyo ka dhan ah ciidanka iyaga oo ku dhawaaqaya Farmaajo ha dhaco ayeyna gubeen sawirada madaxweyne Farmaajo.


Badanaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhaca falal dil, dhac iyo kufsi isagu jira kuwaasi oo ay sameeyaan askar labisan dareeska DF-ka.
Sidoo Kale Aqri..Filish Oo Dadkii Ku Dhintay Ex Ku Sifeeyey “Dad aan Muhiim Aheyn”
Dhanka kale Gudoomiyaha gobolka Benaadir oo meel fagaare ah kula hadlay dibad baxayaasha ayaa ka dalbaday in ay is dajiyaan, waxa uuna cabsi ka muujiyey in dibad baxyada a noqdaan “kuwa wax burburinaya”.
Cumar ayaa sheegay in madaxda Dolwaddu ay ka hadlayaan sida laga yeeli lahaa bandawga, isaga oo bandawga ku tilmaamay mid xadgudub ah.