Wargeysyada ka soo baxa Spain ayaa dhowr warbxino ka diyaariyey loolanka loogu jiro hanashada tartanka kabaha dahabiga ah, ee lagu qabto qaaradda duqda ah.
Wargeyska “Mundo Deportivo” ayaa qoray in saaxirka Reer Argentina lionel Messi, oo ah xidiga kooxda Barcelona ee Spain ka ciyaarta,in uusan wax goal ah dhalinin intii lagu guda jiray kulankii kooxdiisa ay la ciyaartay naadiga Getafe f.C,Messi ayaa hadda heysta 20 gool oo uu Dhaliyey dhamaan kulamada horyaalka Laligaha ee spain xilli ciyaareedkan.
Sida xaqiiqonews ay ka soo tarjuntay wargeyska “Mundo Deportivo”,Harry Kane oo ah xidiga kooxda Tottenham Hotspur ayaa hogaaminaya gooldhaliyayaasha horyaalada yurub waxa uuna leeyahay 23 gool, waxaana ku xiga Fircoon Salah oo dhaliyay 22 gool xilli ciyaareedkan Premier League-ka.
Sergio Aguero oo sidoo kale ah weeraryahanka reer Argentine, ayaa kaalmaha hore kaga jira loolankan, isagoo booska seddexaad ka fadhiya, ka dib markii uu boos ka helay kooxda Leicester City.
Xiddiga reer Uruguay Edison Cavani ayaa kaalinta afaraad ku jira, halka saaxirka Messi uu haatan yahay kaalinta shanaad.