FircoonKa Masar Oo Liverpool Siiyey Dardaarankan

Maxamed Salaax Xiddiga Masar iyo Liverpool ayaa kooxdiisa siiyey dardaaran ka caawin kara in ay kooxdu ku guuleysato horyaalka ingiiriska.


Xaqiiqonews-Ciyaaraha

Kooxda “Reds-ka” ayaa Manjestar kaga guuleysatay labo gool iyo waxba kulan dhacay maalinkii axadda ee la soo dhaafay.

Salaax oo goosha labaad dhaliyey daqiiqaddii 90-aad ayaa yiri “ma fileyn in aan gool dhalin doono maalinkaas, laakin maalinkaasi aad ayaan isku soo diyaariyey”.

Gool dhaliyaha kooxda gaduudan ayaa intaasi ku daray ” xitaa hadii aan dhalin lahey, aniga ujeedkeygu waa in kooxdu ay guuleysato, taas ayaan ku faraxsanahay”.

Xiddiga reer masar ayaa warkiisa ku soo xeray hadaladan “Sanadkii hore isla middan oo kale ayaa dhacday laakiin muhiimadda waxa ay tahay in aan isdejino, waa in aan waxba ka badalin sida aan hadda nahay”

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA