Michio Kaku ayaa shaaca ka qaaday 3 arimood oo sadaal ah kuwaasi wax ka badali doono mustaqbalka nololeed ee aadanaha.
XAQIIQO NEWS- SAYNIS
Michio Kaku oo ah 73 sano jir waxa uu ku takhasusay fisikiska aragtida la xariira (Theoretical physics), waxa uuna alifay buugaag badan, isaga oo sidoo kale qaaraan badan ku darsaday cilmiga khiyaaliga ah iyo sadaasha aragti-fisikeed ee mustaqbalka.
Kaku waxa uu aaminsan yahay in tiknoolajiyadda ay ban’aadamkaka ka caawin doonto in laga adkaado kansarka iyo in nolol iyo xadaarad laga sameysto hawada sare.
1– Bani’aadamka waxa uu dagi doonaa hawada sare
In kastoo ay tahay arin adag in la helo meel nolasha ku haboon oo aan aheyn dhulka sababo badan dartood sida masaafada dheer ee ay isku jiraan kawaakibta iyo xiddigaha oo aad u dheer, haddana fisikis yahan Michio Kaku waxa uu ku rajo weyn yahay in Hawada sare ay noqon doonto meel aadanaha iskaga dhax safri doonaan.
Kaku waxa uu leeyahay “waxa aan galnay waxa aan ku magacaabi karo casriga dahabiga ah ee soo socda, waxa badan ayaana laga ogaan doonaa hawada sare”.
2- Bani’aadamka waxa uu awoodi doono in uu balaariyo maskaxda
Kaku waxa uu aaminsan yahay in tiknoolajiyadda ay nagu saacido doonto balaarinta awoodaha maskaxda, gaar ahaan kombiyuutrada waxa ay isku xiri doonaan maskaxdeena iyo internetka si halkaasi aan isku dhaafsano xasuusyada, waxaana dadku isku diri doonaan dareenadooda.
Kaku ayaa tiknoolajiyaddan ku magacaabay “shabakadda caqliga” isaga oo yiri “waxaaan galnay xilli kale, internetka dijitaalka ah waxa uu isku badali doonaa “internet maskaxeed” dadkuna xasuusahooda, dareenadooda ayey internetku iskugu diri doonaan , dabcan dhalinyarrada toban jirrada ahna wey jeclaan doonaan.
3- Aadanaha Kansarka ayuu baab’in doonaa mar kaliya Dhammaantiis
Sida uu aaminsan yahay Dr Kaku, ban’aadamka waxa uu galayaa mowjaddii afaraad ee “iqtiraacyada cilmiga” taasi oo ay ku jirto is dhaxgalka lagu sameynaayo Baayotaknooljiga iyo Caqliga gacan ku sameyska ah (artificial intelligenc) si loo hagaajiyo aadanaha.
Dr Kaku waxa uu leeyahay waxaa aan daawo u heli doonaa cudurada halista ah iyo kuwa neerfayaasha ku dhaca sida cudurka Alzahaaymar(Alzheimer’s disease), laleemada (Parkinson’s disease) iyo waliba kansarka.
Waxa uu yiri “waxaaan heli doonaan rasaas sixir ah oo ka dhan ah kansarka, iyada oo la adeegsanaayo tiknooljaiyadda “Nano” waxaa la awoodi doonaa in la dila oo la beegsado unugyada kansarka”.
Waxa kale uu saadaaliyey in tiknoolajiyadda ay suurtgalin doonto dadku in ay iska baaraan kansarka iyaga oo guryahooda jooga.