WARKA:Ka bixitaanka Farmaajo ee fillada waxa ay fursad u tahay cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil oo Farmaajo iska hortaagay maxkamadaha in ay qaadaan kiiskeeda.
XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS.
DHAMMAADKIISA: ka bixitaanka filada ee Farmaajo, burburka ku yimid kutladii NISA ee Fahad raacsaneyd iyo madaxweynaha cusub ee kursiga yimid waxa ay fursad u abuuri kartaa qoyska Ikraan Tahliil oo horay dacwad u geeyey maxkamadda hase ahaatee Farmaajo uu dacwadaasi is hortaag ku sameeyey.
Kaliya ma ahan Ikraan, dhammaan inta wax ka tabaneysa nidaamkii tagay ee Farmaajo sida arintRooboow Abu Mansuur waxa ay dadkaasi indhaha ku haayaan hab dhaqanka madaxweynaha cusub oo looga fadhiyo in uu kala furdaamiyo kiisaska cagiran ee uu ka dhaxlay nidaamkii ka horeeyey.
5-tii sano ee u dambeysay Farmaajo kuma fadhinin kursiga madaxweynaha oo kaliya, waxa uu Farmaajo joogay hoolalka maxkamadaha, waxa uu ku dhax jiray taangiyada askarta iyo qololka xasbiyada, isaga oo qaab rimuut ah u hagaayey go’aanada hoose ee Madaxweynaha aanu loogu tala galin in uu soo farageliyo.
Isbadalkan cusub, gaar ahaan kursiga fillada ee isbadalka ku yimid, waxa u noqon karaa kiiska Ikraan Tahliil fursad ama halis taasi oo ku xirnaan doonta hadba tallaabada uu qaado madaxweynaha cusub Xasan Shiikh Maxamuud.
Ugu dambeyntii, waxaa la filayaa in Xasan Shiikh uu siin doono maxkmadaha, ciidanka iyo laamaha kale ee dowlad xoriyad ay ku dhaqdhaqaan arintaasi oo hadii aysan dhicin ka dhigi doonto maamulka Xasan mid ka xun kii ka horeeyey.