Gabar 11 jir reer Iiraan Ah Oo Ka Caqli Badisay Einstein iyo Stephen Hawking

-

Gabar 11-sano jir ah oo u dhalatay dalka Iran ayaa dhalisay dhibcaha ugu sareeya ee cabirka caqliga IQ, iyadoo ka saramartay ninkii Nukliyeerka sameeyey ee Albert Einstein iyo Fisikis yahankii Stephen Hawking.

Xaqiiqonews-Sayniska

Tara Sharif ayaa keentay dhibco dhan 162, taasi oo ay kaga sara martay ninka ugu IQ sareeyey oo heystay 140 dhibcood.

Tara oo faallo ka dhiibatay guusha ay gaartay ayaa tiri “Waan naxay markii aan arkay natiijada, waligey ma fileyn in aan keenaya dhibcahan oo kale”.

Aabaha dhalay Tara ayaa Isna hadal ka yiri guusha inantiisa “Aad ayaan ugu faanayaa laakiin waan la yaabay dhicaha aadka u sareeya”.

Gabadhan yar oo hadda ku biirtay ururka dadka ugu IQ sareeya ay ku mideysanyihiin ee loo yaqaan “MENSA” ayaa ka sheekeysay waxyaabaha ay hiigsaneyso mustaqbalka.

Waxa ay tiri “Marka aan weynaado, waxa aan jeclahay, in qabto waxyaabo la xariira Xisaabaadka”.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...