Xilligii xagaaga 2014, Lana Haman iyo saaxibadeeda ayaa waxa ay fasax u aadeen dalka Mexico,Wax walba si fiican ayay u socdeen, cidina ma fileynin in fasaxan uu isku badali doono dhibaato intaa la eg.
Maalin maalmaha ka mid ah, “Lana” ayaa u daawasho tagtay xeebta, hase ahaate wadnaheeda ayaa si lama filaan ah u joojiyay garaacista. Dhamaan dadaallada dayac-tirka iyo gargaarka degdega ah ayaa waxtar yeelan waayeye, gabadhii kashaantida aheydna galabtaasi ayey geeriyootay.
Marka hore, qofna ma fahmin sababta gabar 16 jir ah oo caafimaad iyo jirdhis jimicsi leh ay u dhici karto in uu ku soo boodo wadno xanuun.
Ka dib shilka warkan, hooyada dhashay Lana oo lagu magacaabo Chris,ayaa soo saartay digniin dunida oo dhan ah iyadoo tiri “Xaqiiqdii, maalintii dhimashadeeda, ma aysan cabin xitaa dhibac biyo ah, marka laga reebo ‘power dirinks’ cabitaanada gasacadeeysan ee tamarta leh”.
Dhiniciisa Dhakhtarka wadnaha Jack Wolfson, wuxuu xoojiyay dareenka hooyada, isagoo sheegay in Lana si macno leh oo weyn ay u qabatintay cabitaanka tamarta leh {cabitaanada gasacadeysan gaaska leh}
Qofka oo badsada madooyinka sonkorta iyo kafeyn, oo ah waxyaabaha muhiimka ah ee cabitaankan ka koobanyahay, waxay noqon kartaa mid halis ah, xitaa dadka caafimaadka qaba sida Lana. “Waxaa jira cadeymo caafimaad oo muujinaya cabsida noocan ah ee cabitaanka,” Wolfson ayaa sidaas yiri.
“Waxay keeni kartaa isbedelka garaaca wadnaha, iyo saameynta tooska ah ee cadaadiska dhiigga” ayuu sii raaciyey Wolfson oo digniin u diray dadka ku waalan cabitnaadan.
Chris ayaa sheegaya in geerida naxdinta leh ee gabadheeda oo kale ay ku dhici karto qof kasta, meel kasta oo uu joogo. Waxay rajeyneysaa in digniinteedani ay ka hortagi karto mustaqbalka in ay dhacaan wax la mid ah musiibadan.