Gabar 3 Jir Oo Ku Maskax Dhaawatay Einstein !

-

Gabartan yar oo asal ahaan ka soo jeeda Hindiya kuna nool ingiriiska ayaa keentay cabirka xagga caqliga ee loo yaqaan “IQ test” dhibco dhan 142 iyada oo 18 dhibcood ka hoos martay fisikis yahankii Albert  Einstein.


XAQIIQO NEWS- SAYNIS

Tijaabada waxa qaadayey ururka “Mensa” oo ah madal ay ku mideysan yihiin dadka caqligooda aadka u sarreeyo “High IQ society “

 Aaabaheed Sarbjit Singh oo u warramay “Birmingham Live” ayaa sheegay in gabadhiisa ay tijaabada ka keentay dhicaha aad u sarreeyo lana aqbalay in qeyb ka noqoto madasha “Mensa”.

“Markii ay jirtay 14 bilood waxa ay aqrin kartay alifbeetada, labo sano markii ay gaartayna waxa ay kor ka xifdisay 9-ka meere”.ayuu yiri Sarbjit

Aabaha ayaa intaasi ku daray in su’aalaha qaar ee gabadha ay weydiiso ay jawabtooda ku baari jireen google-ka.

Sida uu xusay aabaha dhalay Dayaal , laba sano jirkeeda dadka ay kula kulanta suuqa iyo goobaha dukaameysiga ayey weydiina jirtay su’aalo waaweyn sida meeqa caruur ayaa heysataa, meeqa sano ayey jiraan, taasi oo dadka qaar ku keeni jirtay in ay ka shakiyaan da’deeda.

“Dadku waxa ay i weydiin jireen meeqa sano jir waaye” ayuu yiri Aabaheed.

Wararka U Dambeeyey

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...