Galabtii sabtida, gabar masaari ah ayaa dab qabadsiisay gurigooda iyadoo ka aargoosaneysa xubnaha qoyskeeda oo u diiday in ay guriga ka baxdo inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.
Xaqiiqonews-Wararka Dibadda
Xubnaha qoyska oo ka koobnaa aabo, hooyo iyo wiil ay dhaleen ayaa dhintay ka dib markii uu dab ka kacay dhamaan daafaha guriga, xaafadda Caynu shams ee ku taalla magaalada caasimadda ah ee Qaahira.
Dab ayaa ku bilowday si kadis ah, hase ahaate waxaa ugu dambeyntii laga war helay in dabka ay shitay gabadhooda oo iyadana islamrkiiba guriga iskaga carartay.
Warbixinada ayaa waxa ay sheegayaan in gabadha ciriiri iyo murugo ay dareentay ka dib markii guriga lagu celiyey oo loo diiday ay baxdo bishan oo dhan, waxeyna go,aansatay in ay ka aarsato xubnaha qoyskeeda, iyadoo dab qabadsiisay xilli ay ku guda jireen hurdada Qeyluulada(hurdada duhurkii la hurdo).
Dhankooda Hay,adaha amniga Masar ayaa sheegay in ay gacanta ku haayaan gabadhan 19 jirka ah,ayna wadaan baaritaano ku saabsan kiiska.